Ciidammo ka tirsan dowladda iyo Al-shabaab oo ku dagaallamay gobolka Sh/hoose

by admin | Monday, Aug 24, 2015

Sh/hoose : HN :–Xoogag ka tirsan Al-shabaab ayaa shalay galinkii danbe la wareegay deegaanada Mareerey iyo Sabiib oo ku dhow degmada Afgooye, kadib markii ay weerar ku qaadeen.

Wararka ka soo baxay gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegaya  in dagaal kooban oo ka dhacay deegaanka Mareerey ay Al-Shabaab la wareegtay, kadib markii isaga baxeen ciidankii dowladda, sidoo kale Al-Shabaab ayaa si nabdoon ula wareegay deegaanka Sabiib.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose C/qaadir Siidii ayaa sheegay in ciidamada xooga dalka iyo kuwa Nabadsugida ay dib uciidamada-dowlada caabiyeen Al-Shabaab, isla markaana la wareegeen.

Mr Siidii ayaa sheegay in Taliyaha Hay’adda Nabadsugida uu ciidamo gurmad ah u soo diray, isla markaana ay dib u riixeen Shabaabkii soo weeraray deegaanada Mareerey iyo Sabiib.

Dhinaca kale Afhayeenka Wasaaradda Amniga Maxamed Yuusuf ayaa sheegay in howl galo ay ka socdaan deegaano ka tirsan Shabeellaha Hooe, isagoo xusay in Ciidamada xooga dalka iyo kuwa Nabadsugida oo iskaashanaya ay dib u caabiyeen Al-Shabaab.

“Shalay Ciidamada NISA ee Hay’adda Nabad Sugidda waxa ay u gurmadeen Ciidanka xoogga dalka oo Shabaab kula Dagaallamayay deegaanka Mareeray ee Gobolkaas kuwaas oo ciidamadu ay Wiiqeen Awoodda yar ee Argagixisadaas”ayuu yiri Afhayeenka wasaaradda Amniga.

Sidoo kale Maxamed Yuusuf ayaa sheegay in dagaalkaas ku dileen dagaalyahano ka tirsan Shabaab, waxaana uu xusay in howl galka ay sii wadayaan.

Ciidammada dowladda iyo dagaalyahannada Al-shabaab ayaa dhowr jeer oo hore ku dagaalamay deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha hoose.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!