Ciidammo ka tirsan dowladda oo isaga soo baxay deegaanka Toora-tooroow ee gobolka Sh/hoose

by admin | Friday, Jun 12, 2015

Sh/hoose : HN :–Guddoomiyaha gobolka Sh/hoose C/qaadir Max’ed Nuur Siddii ayaa qiray wararka sheegaya in ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya oo shalay ka baxay dhanka bari ee deegaanka Toora-Toorow.Cabdulqaadir_Siidii_Shabeellada_Hoose

C/qaadir Siidii ayaa sheegay in ciidamada iyo saraakiishii horkaceysay ay ka baxeen fariisimihii ay ku sugnaayeen, waxaana uu cusub inay soo buuxiyeen Ciidamada AMISOM iyo ciidamo deegaanka.

“Waa jiraan ciidamadii degenaa dhanka bari ee Toora-Toorow inay ka baxeen, ciidamo AMISOM iyo ciidamo deegaanka ayaa booskaas buuxiyay, wax cabsi ah lagama qabo in Al-Shabaab soo weeraraan”ayuu yiri C/qaadir Siidii.

Mar la weydiiyay in sababaha ay ciidamada ugu baxeen inay tahay mushaar la’aan soo wajahday ayuu beeniyay, waxaana uu ku tilmaamay in ka bixitaankaas ay sabab u yihiin Saraakiishii ciidamada horkaceysay.

Deegaanka Toora-Toorow ayaa waxaa dhowaan la wareegay Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM, waxaana deegaankaas ahaa mid ay in muddo ah maamulayeen Xarakada Al-Shabaab.

Hiiraan Net

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!