Ciidammo ka tirsan dowladda oo la wareegay gacan ku heynta Guri-ceel

by admin | Monday, Dec 15, 2014

Guri-ceel : HN :– Wararka xiligan naga soo gaaraya degmada Guri-ceel ee gobolka Galguduud ayaa sheegaya in ciidammo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya goor dhaw si nabad ah ula wareegeen gacan ku heynta degmada, kaddib markii ay halkaa isaga baxeen xooogagii ka tirsanaa Ahlu Sunna.

Xaalada degmada ayaa lagu waramayaa in ay tahay mid degan, ma jirin wax iska horimaad ah oo dhaxmaray labada dhinac, waxaana la sheegay in ciidamada dowladda halkaa si nabad ah kula wareegeen.

Xoogagga Ahlu Sunna Waljameeca ayaa Jimcihii aynu soo dhaafnay ka saaray degmada Guri-ceel ciidamada dowladda kaddib dagaalguriceel31 culus oo halkaa ku dhaxmaray.

Wararka laga helayo Guri-ceel ayaa sheegaya in ciidankii ka tirsanaa Ahlusuna ay labo dhinac kala aadeen, waxaana qeyb ka mid ah ay u baxeen dhanka Xeraale,.

Xaalada degmooyinka Guriceel iyo Dhuusa Mareeb ayaa ah mid degan, waxaana labadaas degmo si buuxda gacanta ugu haya ciidamada dowladda Federaalka.

Dagaalo labadii maalmood u dambeeyay ka dhacayay Guriceel iyo Dhuusa Mareeb ayaa waxaa uu salka ku haya maamulka deegaanka iyo qorshaha maamul u sameynta Gobolada Dhexe.

Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!