Ciidammo ka tirsan militariga Soomaaliya oo buux dhafiyay degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan

by admin | Monday, Dec 29, 2014

Jalalaqsi : HN :– Wararka naga soo gaaraya degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in ciidammo aad u hubeysan oo ka tirsan militariga Soomaaliya buux dhaafiyeen degmada, kuwaa oo la fillayo in ay galbiyaan raashin ku sii jeeda degmada Buula-burte.

Ciidamadan oo safar dhulka ah kaga soo ambabaxay magaalada Muqdisho ayaa sii maray magaalada Jowhar, iyadoo intii ay wadada ku jireen aanay wax iska caabin ah la kulmin.

Taliyaha Qeybta 12-ka April Jen, Max”uud Max’ed Qaafoow ayaa sheegay in qorshahooda uu yahay sidii ayCiidanka-dowladda-300x225 (1) raashinkaas xoog ku gaarsiin lahaayeen degmada Buulo Burde, iyadoo inta u dhaxeysa Jalalaqsi iyo Buulo Burde ay ku sugan yihiin dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab.

Wararka ayaa intaa ku daraya in galbinta raashinkan ay ka qeyb qaadan doonaan Ciidamada AMISOM ee ku sugan degmada Jalalaqsi, waxaana soconaya kulamo ay leeyihiin saraakiisha ciidamada oo ku aadan qaabka raashinkaas loo gudbin karo.

Al-Shabaab ayaa horay u go’doomiyay deegaanadii horaantii sanadkan lagala wareegay, waxaana ka jiray xaalado bani’aadanimo, gaar ahaan degmada Buulo Burde ayaa ka mid aheyd meelaha aadka ugu darnaa oo ay dad ugu geeriyoodeen gaajo.

 Hiiraan Net.

 

 

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!