Ciidammo la kala dhax-dhigay beellaha ku dagaalamaya Beledweyne

by wadani | Wednesday, Dec 16, 2015

Beledweyne : HN :–Ciidammo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya iyo kuwa howlgalka midowgga Africa ee AMISOM, ayaa subaxnimadii hore ee saakay la geeyay xaafadda Howl-wadaag oo ay ku dagallamayaan beello iska soo horjeeda.

Waxaa maalintii shalay gaaray magaalada Beledweyne xubno isugu jiray wasiiro ka socda xukuumada iyo Madaxweynaha Galmudug C/kariin Guuleed ayaa wada dadaalo nabadeed oo lagu sHowlgal_Beledweyneoo afjarayo colaada Beledweyn, isla markaana maleeshiyooyinka loo kala qaadi lahaa.

Odayaasha, waxgaradka iyo nabadoonada ayaa ku dhawaaqay habeen hore heshiis xabad joojin ah, iyadoo wafdigii shalay gaaray Beledweyn ay adkeeyeen heshiiskaas, lana dhaqan geliyo.

Saakay ayaa waxaa xaafada Howl-wadaga laga maqlayay rasaas goos goos ahaa, inkastoo si dhaqse ah ay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM u fara geliyeen labada ciidan ee isku hor fadhiyay xaafadaas.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Wafdiga Wasiirada oo uu wehliyo Madaxweynaha Galmudug ayaa lagu wadaa inay aadaan galbeedka Beledweyn, si ay u kala qaadaan labada ciidan, isla markaana colaada u soo afjaraan.

Dagaaladii maalmihii la soo dhaafay ka dhacay magaalada Beledweyn ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 10-ruux, halka tiro afartameeyo ku dhow ay ku dhaawacmeen, waxaana dagaaladan salka ku hayeen dilal iyo aanooyin u dhaxeeyay labo beelood oo wada dega galbeedka Beledweyn.

Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!