Ciidamo AMISOM oo la geynayo magaalada Dhuusa-mareeb

by wadani | Sunday, Jan 14, 2018

Dhuusa-mareeb : HN :-Ciidamo dheeraad ah oo ka tirsan AMISOM ayaa saacaddaha soo socda waxaa lagu waddaa in ay gaaraan Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug.

Ciidamadaan ayaa Mas’uuliyiinta maamulka Galmudug waxa ay ku sheegeen in loogu tala galay in ay xaqiijiyaan Ammaanka Magaalada Dhuusamareeb.

Wafdi Ballaaran oo uu hoggaaminaayo Madaxweynaha Soomaaliya iyo Madaxda maamul goboleedyadda ayaa tagi doona Magaalada Dhuusa mareeb si ay uga qeyb galaan kulan lagu dhameystiraayo Heshiiskii Galmudug iyo Ahlu Sunna.

Waxaa sidoo kale hadda Magaalada Dhuusamareeb ku sugan Xildhibaano iyo Wasiiro ka socda dowladda Soomaaliya.

Horay ayaa Magaalada Dhuusamareeb waxaa u tagay Ciidamo ka socda dowladda Jabuuti , kuwaasoo la sheegay in ay wax ka xaqiijinayaan Ammaanka Magaalada.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!