Ciidamo Itoobiyaan ah oo la geeyay magaalada Kismaayo

by wadani | Saturday, Jan 2, 2016

Kismaayo : HN :–Ilaa 250 askari oo ciidammo Itoobiyaan ah  la geeyay magaalada Kismaayo ee gobolka Jubadda Hoose, kuwaasoo bedel u ah Ciidamadii Seirra Leone oo horaantii sanadkan ka baxay Soomaaliya.

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Jubba ayaa xaqiijiyay in Ciidamadan Itoobiyaanka oo gaarayay illaa 250 askari ay horu dhac u yihiin illaa kun askari.

Ciidamadan ayaa la dejiyay Garoonka diyaaradaha Kismaayo, Dekeda iyo duleedka waqooyi ee magaalada oo fariisin ay ku leeyihiin Ciidamada Kenya ee qeybta ka ah AMISOM.

Markab gaadiid ciidan iyo qalab milateri u sida Ciidamada Itoobiyaanka ee shalay gaaray Kismaayo ayaa ku sooCiidamada-Ethiopia xirtay Dekeda.

Ciidamadan Itoobiyaanka ayaa la sheegay inay kala qeyb qaadan doonaan Ciidamada Kenya iyo Ciidamada Jubbaland guluf dagaal oo qorshihiisa yahay in Al-Shabaab looga saaro deegaanada Jilib, Jamaame, Xagar iyo Bu’aale.

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa maalmahan ku sugnaa magaalada Addis Ababa, halkaasoo uu kula kulmay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda.

Maamulka Jubba ayaa horay ugu ololeynayay in Ciidamada Itoobiya lagu bedelo ciidankii Sierra Leone ee ka baxay Kismaayo, inkastoo Siyaasiyiin Soomaali ah ay saluugsanaayeen.

Ciidamada Itoobiya ayaa hada u muuqda kuwa ugu badan ee ku sugan Soomaaliya, marka laga reebo Ciidamada Uganda, waxaana horay Saraakiil ka tirsan AMISOM ay sheegeen inay jiraan Ciidamo aan ka tirsaneyn howl galka AMISOM ay ku sugan yihiin gobolada dalka.

Hiiraan Net

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!