Ciidda maalinta Hooyada Anna Jarvis Rasuul nooma aha!‏ WQ: Sh, Cali Nuur Xoogsade

by admin | Saturday, Mar 7, 2015

Anna Jarvis waxa ay dhalatay 1864 waxa ayna dhimatay 1948 sababta aan ugu halqabsanayo waa in ay tahay qofkii bilaabay ciidda Hooyada sanadkii 1908 markii ay hooyadeed xus u samaysay ka dibna waxa ay u guntatay inay maraykanka dhexdiisa ka samayso maalin Ciid ah oo hooyooyinka loo dabaaldago waxayna ku guulaysatay markii madaxweynihii Mareykanaka Wilson uu saxiixay 09/03/1914 tahay Ciidda Hooyooyinka mid sharci ka aha wadanka mareyanka.

Hase yeeshe 1920 yaa waxaa dad ban oo cilmi iyo caqliba leh garteen ula jeedada Anna Jarvis ka laheyd in ay abaabusho Ciidaas arin ganacsi si ay uga faaiidaysato iibinta hadiyadaha loo geeynayo hooyoonka.

Marka hadiiba Ciidaas kaliya ay bilaabatay xiligaas danta loo bilaabayna aheyd ulajeedo soow la yaab malaha inuu ruux Muslim ah dabaal dago maalintaas sitaahoo Anna Jarvis u tahay qof sharciga u dajiya barayna xuquuqda hooyada leedahay?

Dhan kalana soow xad gudub ma aha hooyadaii maalin iyo habeenba caloosha kugu siday naaska kusoo nuujineysay saxarada kaa dhaqeysay markaad soo kortayna habeen iyo maalinba u taagneed sidii w ax aad u baran laheyd caafimaadkaaga ka fekereysay in sanadkii mar xuseesteeda iyo xaqeeda lagusoo koobo ?!!.

Sidoo kalan sow la yaab malaha inaan wax aaan ku dayano ka dhigano adamo wadamo aad loogu gafo looguna gabood falo xuquuqda Hooyada kuwaasoo caadi ka dhigtay in waalidka laga guuro marka ay caruurta gaaraan 18 sano sanadkiina hadiiba la soo xasuusto maalinta ciida Kirishtaanka dhalato kusoo booqda Ubaxyo ayadoo laga yaabay waalidka inuu u baahanaa xooga caruurtiisa cudurana hayeen cidlana uu dheereyd  ?

Waxaa inta badan dhacda in Waalidka asagoo cudur iyo waayeelnimo isku hayaan inuusan marna helin cid ku caawisa nolol maalmeedkiisa taasoo sababta in Jidadka wadamada galbeedka aad ku arku karto waayeelo socodku dhibayo oo gaari ku riixdaan adeeg maalmeedkooda halka qaar kalana markii ay isgabaan ama xanuun kusoo boodo isaga dhintaan guryaha cidlada ah dhexdood ayadoo aysan cidna ogaan maalmo ama bilooyina meydkoodu iska dhex xoornaado guryaha dhexdooda.

Waxyaabaha dhacayna waxaa ka mid ah in Wiil oo ka safray aabihiis markuu 18 jirsaday caadana ay u ahaan jirtay inuu sanadkii mar uun soo booqdo xiliga Kirismaska, waxaana jiraday Aabihii sanadkii dhexdiis ka hor waqtigii wiilka u imaan jiray wuuna geeriyooday asagoo fadhiya qolka fadhiga TV ga hortiisa ayadoo aysan cidu ogaan, taasoo sababtay inuu waqti dheer iska xoornaado kursiga dushiisa ilaa ku lafoobay, markii la gaaray sanadkii dhamaadkiisa ayaa waxaa aqalkii odayga ku dhintay soo booqday Wiilkiisa asagoo Ubaxyo qurux badan u sida Aabiis markii uu guriga yiimid gaaracayna Albaabka oo uu waayay cid ka furta wwaxaa loo yeeray Boolis ayadoo aay jabiyeen Gurigii waxa ayna ku dul arkeen kuraasta qolka Fadhiga lafo qolfoof ah oo dul saaray ayagoo gartay inuu odayga mar hore ddhintay ayadoo cidna aysan ka war heynin.

Marka waxaa iga yaabinayaa inaan aragno dad ay dadkaas u yihiin ku dayasho kuna daba taagan wax walba oo ay sheegtaan ciidna mooda ciidaha danaha ganacsi ama dad Diimo kale aaminsan u jideeyaan Diin ahaan isaga dayanaya taasoo muujinaysa Jahli badan inuu dadka qaar diinka heesto halka qaar kalana ay ka tahay gaalo jaceyl.

Waxaa is weydiin mudan haduu ruux doonayo inuu  maamuuso Hooyadiis   ma ku filan tahay in sanadkii mar Ubax uu u keeno ama marka ay dhimato sanadkii mar qabrigeeda Ubaxyo kusoo dul tuuro asagoo? Hadii ay jawaabtu maya tahay hadaba maxaa keenaya inaan dad dhaqankoodu liito ku daba taagnaano talaabo kasta oo ay qaadaan? .

Qofkii doonaya Xuquuqda Hooyada ama guud ahaan Dumarkaba ku leeyihiin  wadamada galbeedka  waxaa ku filan inuu aqriyo warbixin sanadeedyada kasoo baxa laamaha amniga ee wadamadaas kuwaasoo sanad walba soo bandhiga gafka ugu badan ee la galo inuu yahay kumanaan dumar ah la garaacay ama la kufsaday ama maakooda la dhacay.

Sidoo kaalna qofkii Muslim ah ee doonaya inuu ku baraarugo Xuquuqda Hooyada waxaa ugu filan inuu ogaado bulshooyihka Muslimiinta sida ay u xormeeyaan Hooyada iyo sida waalidiinta Muslimiinta loogu xaneeneeyo guryaha caruurtooda maadaama shareecada Islaamka Waajibisay Xuquuqdooda isla markaana ay tahay mid lagu Jano ama naar lagu mudan karo hadba qofka sida uu ula dhaqmo waalidka.

Waxaan kusoo gabagabynayaa maqaalkaygan anaga hadii aan nahay Muslimiin Anna Jarvis nooma aha Rasuul noo sharciyeeya Ciid ama mid aan ku dayano; waayo waxaan nahay Umad ka fac-weyn Diin ahaana aaminsanaa Xaqa Hooyada 1430 ka hor, waxaanan aaminsanahay Hooyada xaqeedu inuu ka weyn yahay xataa kan aabaha sadax jeer gudaaashada xaqaasna kuma imaan karto Xus sanadkii mar loo sameeyo!

Sh Calinuur Xoogsade

asadxg@hotmail.com

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!