Ciidmada dowlada iyo kuwa AMISOM oo la wareegay deegaanka Kudhaa ee Jubbada hoose

by Yahye | Saturday, Oct 25, 2014

Kismayo; HN;- Ciidamada Maamulka Jubba iyo kuwa AMISOM ayaa saaka la wareegay gacan ku haynta deegaanka Kudhaa oo ka tirsan Gobolka Jubbada hoose.

La wareegitaanka ciidamada deegaanka Kudhaa, waxa ay ka dambeysay kadib markii ciidamada Jubba iyo kuwa AMISOM ay weerar ku qaadeen deegaanka Kudhaa.
Afhayeenka Maamulka KMG ee Jubba C/naasir Seeraar Maax ayaa xaqiijiyay la wareegitaanka deegaanka Kudhaa oo Jubbada hoose ka tirsan, isaga oo sheegay in dagaal Shabaab ay kula galeen kadib ay la wareegeen.
Seeraar wuxuu sheegay in afar ruux oo Shabaab ka tirsan ay ku dileen dagaalkaasi.
Dhankooda Khasaaraha dagaalka kasoo gaaray ayuu ka gaabsaday inuu faah-faahin ka bixiyo.
Al Shabaab kama aysan hadlin deegaankaan Kudhaa oo saaka lagala wareegay.

Hiiraan Net

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!