Ciiidammada nabad-sugida oo gacanta ku dhigay hub la sheegay in ay Al-shabaab lahaayeen

by admin | Friday, Mar 27, 2015

Muqdisho : HN :–Ciidammada nabad-sugida dowladda Soomaaliya ayaa ayaa maanta hawlgal ay ka sameeyeen degmada Deyniile kusoo qabtay hub farabadan Xoogaga Al-Shabaab leeyihiin.

Ciiidamadu hubka ay qabteen ayaa isugu jiray qoryo,bastoolado iyo rasaas fara-badan oo ay kooxda Al-Shabaab ku aasteen god kuyaalay degmada Deyniile ee gobolka Banaadir.

Dhanka kale Ciidanka Booliska ayaa gacanta kusoo dhigay nin ay sheegeen in uu watay gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyey iyoA team of senior Somali policemen arrive at the Central Hotel after a suicide attack in Mogadishu shakhsigii watay kaasoo la doonayo in dhibaato lagu geysto.

Afhayeenka Wasaarada amniga dawladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Yuusuf Cismaan ayaa warbaahinta Muqdisho u sheegay in Ujeedada ay ka lahaayeen hawlgalkan ahayd adkeynta ammaanka Muqdisho.

Maxamed Yuusuf Cismaan ayaa bulshada iyo warbaahinta u xaqiijiyey in Ciidamadu gacanta kusoo dhigeen hub tiro badan oo kooxda Al-Shabaab ku aasteen god kuyaalay degmada Deyniile ee gobolka Banaadir.

Ciidamada dawladda ee nabadsugida iyo kuwa Sirdoonka ayaa waday hawlgalo ay kula dagaalamayaan Xoogaga Al-Shabaab,waxay hawlgalkan ka wadaan degmooyin badan oo gobolka Banaadir ah.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!