Cilmiga bulshada xaqa ahi waa kitaabka quraanka, WQ; Omar Suleiman

by Yahye | Sunday, Jun 15, 2014

Sida uu Alle cwj u yahay wax aan lala mid ahayn ee keli ku ah waxa uu yahay oo kale ayuu xaquna yahay mid keliya oo wax kale oo xaq ahi u jirin, sidaas darteed Alle waa xaq wixii uu abuuray iyo wixii hadal ah ee uu dhahaybana waa xaq oo ah waa runta jirta ee biyo kama dhibcaanka ah waxaan labadaas ka mid ahayni waa been iyo baadil, sidaas darteed wixii uu sheegaa waa run keliya isaga mooyee cid kalena run ma sheegto.

 الْحَقُّ مِن رَّبِّكَ فَلاَ تَكُنْ مِّن الْمُمْتَرِينَ(آل عمران 60).

Alle oo keliya ayaa abuur ahaan iyo hadal ahaanba runta sheega ee wixii uu sheego ha ka shakinina.

Xaqnimada ama runnimada abuurka wuxuu Alle noogu sheegay aayado fara badan waxaanse ka soo qaatay labadan hoos ku qoran.

وَهُوَ الَّذِي خَلَقَ السَّمَاوَاتِ وَالأَرْضَ بِالْحَقِّ وَيَوْمَ يَقُولُ كُن فَيَكُونُ قَوْلُهُ الْحَقُّ وَلَهُ الْمُلْكُ يَوْمَ يُنفَخُ فِي الصُّوَرِ عَالِمُ الْغَيْبِ وَالشَّهَادَةِ وَهُوَ الْحَكِيمُ الْخَبِيرُ(الأنعام 73). أَلَمْ تَرَ أَنَّ اللَّهَ خَلَقَ السَّمَاوَاتِ وَالأَرْضَ بِالْحقِّ إِن يَشَأْ يُذْهِبْكُمْ وَيَأْتِ بِخَلْقٍ جَدِيدٍ (إبراهيم 19).

kan runta sheegaa waa kan waxyaabaha xaqa ah cirarka iyo dhulka ku abuuray …. Al-Ancaam 73, Miyeydaan u jeedin in uu Alle yahay kan waxyaabaha xaqa ah ku abuuray abuurka cirark iyo dhulka….Ibraahiim 19.

Cilmiga abuurka maadiga ah waxaynu u bixinay saynis waana cilmi xaq ah marba haddii uu Allaha xaqa ahi abuuray. Cilmiga sayniska waxaa lagu hor mariyaa nolosha aadamiga gaalo iyo muslinna waa isku waafaqsan yihiin mana diidana gaaladu in kasta oo uu ka mid yahay xaqa. Matal in Oxydate bir-ma-ahe ahi markii lagu daro biyo ay ka dhalato aysiid la iskuma diidana gaalo iyo muslim.

Laakiin cilmiga dhaqan dhaqaale ee loo yaqaan Sociology wuxuu Alle noogu soo gudbiyey kitaabkiisa Quraanka, hase yeeshee waxaa la moodaa in dadayawga Islaamka ahi sidaas u garan Quraanka markaas ayay ku qanceen oo xoogga saareen sidii ay ku baran lahaayeen cilmiga bulshada ee laga barto Jaamacadaha Yurub oo ah been iyo baadil ay gaalo dhoodhootay, kuna salaysnayn kitaabka Quraanka. Waana arrinka diinta Islaamka in laga fogaado sababay dhibaato badan iyo cadaab Alle oo culusina darteed ay ugu habsatay ummadihii Islaamka oo dhan. Taas macnaheedu wuxuu noqonayaa ummadaha Islaamka ahi waxay u dhaqan dhow yihiin gaalada waayo cilmiga maadiga ah ama sayniska waa isla ogol yihiin waxay gaaladu diiddan yihiin in ay ka dhaqan qaataan kitaabka Quraanka waayo ma aaminsana, dadka muslimiinta ahina iyaga oo kitaabka u haya xushmo gaar ah ayay hadddana ku dhaqankiisa ka fogaadeen. Marka in uu ugu dhaqmi waayo rumayn la’aan iyo in loogu dhaqmi waayo sabab kale waa isku mid mar haddii ku dhaqankii kitaabku meesha ka baxay labada dad waa isku dhaqan.

In kitaabka Quraanka waxa ku dhigani xaqa waxaa Alle yahay wuxuu Alle noogu sheegayaa aayado fara badan waxaanse ka soo qaartay labadan aayadood ee hoos ku qoran.

ذَلِكَ بِأَنَّ اللَّهَ نَزَّلَ الْكِتَابَ بِالْحَقِّ وَإِنَّ الَّذِينَ اخْتَلَفُواْ فِي الْكِتَابِ لَفِي شِقَاقٍ بَعِيدٍ(البقرة 176).

Sidaas oo kale ayuu Alle wixii xaq ah idiinku soo dejiyey kitaabka Quraanka…Al-Baqarah 176

إِنَّآ أَنْزَلْنَا إِلَيْكَ الْكِتَابَ بِالْحَقِّ لِتَحْكُمَ بَيْنَ النَّاسِ بِمَآ أَرَاكَ اللَّهُ وَلاَ تَكُنْ لِّلْخَآئِنِينَ خَصِيماً (النساء 105).

Waxaanu sida runta aha kuugu soo dejinay wixii xaqa ahaa kitaabka Quraanka si aad dadka ugu kala garsoortid intii uu Alle kaa baray….. An-Nisaa 105.

Wax kasta oo cilmi ahi waa in ay abuurka maadiga ah ka mid yihiin ama ay ku jiraan kitaabka Quraanka, haddii kale waa been iyo baadil.

Haddaba guud ahaan ummadaha Islaamka ah iyo gaar ahaan Soomaaliya waxaa maanta loo meeriyey cilmi been iyo baadil ah oo ay ka dhaxleen gaaladii gumaysiga ahayd ee adduunka soo maray kitaabka Quraankana sal ku lahayn. Cilmigaasi waa cilmiga loo yaqaan cilmiga bulshada ama social science ama sociology oo ah cilim daraasaad wax kasta oo qofka aadamiga la xiriira sida dhaqan, caadooyinka, sharciga, dembiyada, ciqaabyada la mariyo, siyaasadda, maamulka iyo wixii la mida ah, waana cilmi ka soo maaxday maskax aadami ee ma aha mid laga soo qaatay Allaha aan laga xog ogaalsanayn cwj.

Cilmigan bulshada ee maanta adduunka oo dhan la baray ee lagu maamulo wuxuu meesha ka saaray kitaabkii Quraanka ee ay ahayd in isaga laga qaato cilimiga dhaqanka aadamiga la iskuna maamulo waxa ku dhigan sida ku cad aayadda kor ku xusan ee An-Nisaa 105.

Haddaba su’aashu waxay tahay dadka ka soo baxay jaamacadaha Yurub ee ka soo bartay cilmiga bulshada sociology ma yahay cilmi xaq ah oo ay tahay in lagu dhaqmo?

Jawaabtaydu waa maya maya maya! Waayo waxay beentaas runta loo ekaysiiyey meesha ka saartay cilmigii xaqa ahaa, sidaas ayay barashada iyo ku dhaqanka beentaasi ku xaaraantimoobaysaa.

Hase yeeshee waxaa dadka laga dhaadhiciyey in uu xaq yahay, waayo gaalada ayaa inta ay na bareen beentoodii ayay ruuxii soo bartay siiyeen magac iyo maamuus ka dibna dadkii ayaa ku daatay si ay u gaadhaan maskabkaas qiimaha weyn ee loo yeelayo si naloogu baadiyeeyo, arrinkaasina gaalada waa u meel maray, maantana adduunka iyaga ayaa ka taliya. Meeshii ay ahayd in lagu hadal qabsado Alle iyo rasuulkiisana waxaa lagu hadal qabsadaa oo la dhahaa wuxuu hebel sheegay ama waxay qaramada midoobay soo saareen sharci ama xeerka lambarkiisu yahay intaas markaas ayaa loo dhawraa aad ka wanaagsan sida loo dhawro Quraanka iyo xaqa.

Marka sow uma eka in laga dhigay ilaahyo sida Alle oo kale adduunka u soo dejiyey kitaabk kale oo xaqa sheegaya. Ilaa iyo maanta dadka soo bartay beentaas iyo baadilkaas way ku faanaan dadkuna aqoon daradooda way ku amaanaan waxayna ugu yeedhaan aqoon yahayn mana aha ee been yahayno.

Matal waxaa cilimiga bulshada ka mid ah dhaqaalaha oo ah mid ku salaysan ribo, siyaasadda oo ah mid khayaamo, been, iyo boog keliya ku dhisan, sharciga aan ahayn kii Alle oo ah been iyo baadil ahna diinta ummaddii lahayd sharcigaas, hidaha iyo dhaqanka ummadda oo aan laga soo qhido qaadan dhaqanka toosan ee diinta Islaamka iyo waxyaabo kale oo fara badan oo dhammaan ah sida loo xukumi ama xakamayn lahaa dadka.

عن أبي هريرة رضي الله عنه أن رسول الله صلى الله عليه وسلم قال آية المنافق ثلاث إذا حدث كذب وإذا وعد أخلف وإذا اؤتمن خان” متفق عليه وفي رواية “وإن صام وصلى وزعم أنه مسلم

Wuxuu rasuulku sheegay in qofka munaafaqa ahi haddii uu sheekeeyo uu been sheego, haddii heshiis lala galana uu ka baxaa, haddii la aamina uu khiyaamo. Dadka qaar waxay ku daraan haddii uu salaado oo soomo isuna haysto muslim, taas oo loola jeedo in uusan muslim ahayn ee uu yahay munaafaq oo aanay soonta iyo salaadu ka reebayn munaafaqnimada.

Marka sheekadiisu waa been waxaa loola jeedaa waa qofka wax been iyo baadil ah kaaga dhigaya cilmi jira oo xaq ah, dadkaasina waa dadka cilmiga bulshada ka bartay kitaabka gaalada ee loo yaqaan social science oo aan been mooyee wax kale qorayn, waayo Ilaah uun baa runta sheega ee aadami run ma sheego.الْحَقُّ مِن رَّبِّكَ فَلاَ تَكُونَنَّ مِنَ الْمُمْتَرِينَ (البقرة 147)..

Haddii aan idin siiyo tusaale kooban ninka loo yaqaan lawyer ama avucato ama gar yaqaan ma aha lawyer ama avucato mana aha gar yaqaan, waayo waxay soo barteen waa diinta gaalada ay jaamacadooda ka soo qalin jebiyeen. Waana cilim ay tahay xaaraan in la bartaba maal iyo waqti lagu beelo, wixii xoolo laga helaana tahay xaaraan ama xoolo laga tabcay shirkinimo.

Sharciga aad ku dhaqanto ayaana diin kuu ah sida naloogu sheegay markii uu Nebi Yuusuf csw uu reebanayey walaalkiis uu ku reebtay sharciga boqorkii markaas dalkaas ka talinayey, haddii uusan sharcigaas waafajinna lama hadhi kareen.

فَبَدَأَ بِأَوْعِيَتِهِمْ قَبْلَ وِعَآءِ أَخِيهِ ثُمَّ اسْتَخْرَجَهَا مِن وِعَآءِ أَخِيهِ كَذلِكَ كِدْنَا لِيُوسُفَ مَا كَانَ لِيَأْخُذَ أَخَاهُ فِي دِينِ الْمَلِكِ إِلاَّ أَن يَشَآءَ اللَّهُ نَرْفَعُ دَرَجَاتٍ مَّن نَّشَآءُ وَفَوْقَ كُلِّ ذِي عِلْمٍ عَلِيمٌ(يوسف 76).

Wuxuu baaritaanka ka bilaabay saamaankoodii inta uusan baadhin kan walaalkiis, markaas ayuu ka soo saaray alaabtii maqnayd saamaankii walaalkiis, sidaas ayaanu ugu suurto gelinay in uu Yuusuf walaalkiis kula hadho sharciga boqorka…..

Waxaan ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan iyo ummadaha Islaamka oo dhan guud ahaan ugu yeedhayaa in ay gar yaqaan ama garsoore u aqoonsadaan ruuxii soo bartay shareecada Islaamka oo keliya, waayo isaga ayaa xaqan ah gar yaqaan ama lawyer ama avocato.

Kuwa ka soo baxay jaamacadaha dhaqaalaha waxay soo barteen dhaqaale ku salaysan ribo iyo xaaraan, sidaas darteed iyagana yaan loo aqoonsan dhaqaale yahan ee ha lagu beddelo ruuxii ka soo baxay jaamacadaha Islaamka ee soo bartay dhaqaalaha islaamka oo maanta gaaladii doonayaan in ay qaataan habka Islaamka iyo sidaas oo kale dhammaan qaybaha kale ee cilmiga bulshada. Waana in cilmiga sociology-ga laga qaato kitaabka Alle iyo sunnadii rasuulkiisa waana midka xaqa ah. Abuurkana maadiga ahna waxayna ka baranaynaa sayniska si aynu u hor marinno teknoolajiyada, kitaabka Quraankuna waa cilmigii bulshada lagu agaasmayey ama xukumayey ama lagu maamulayey arrimahooda oo dhan.

Waxyaabaha xaqa ah waxaa lagu garanayaa weligood isma beddelayaan, wax is bedelaya haddii aad aragtid waa been iyo baadil ee ka fogaada.

GUNAANADKA

Cilimiga bulshada ee laga soo bartay jaamacadaha Yurub wuxuu meesha ka saaray kitaabkii Quraanka ahaa oo uu Alle noogu soo dejiyey cilmiga bulshada ee xaqa ah.

Wax kasta oo dhaqaale ah oo lagu helo cilmiga bulshada gaalada waa xaaraan wuuna ka xaaraansan yahay midda khamriga iyo sigaarka iyo qaadka laga helo, waayo waa shirkinimo in aad ku garsoorato wax aan kitaabka Alle ahayn. Haddii aad ku garsoorato wax aan kitaabka Alle ahayn ciddii qortay ayaad caabudaa oo kuu ah Ilaah aadna u tahay addoon.

أَلَمْ تَرَ إِلَى الَّذِينَ يَزْعُمُونَ أَنَّهُمْ آمَنُواْ بِمَآ أُنْزِلَ إِلَيْكَ وَمَآ أُنزِلَ مِن قَبْلِكَ يُرِيدُونَ أَن يَتَحَاكَمُواْ إِلَى الطَّاغُوتِ وَقَدْ أُمِرُواْ أَن يَكْفُرُواْ بِهِ وَيُرِيدُ الشَّيْطَانُ أَن يُضِلَّهُمْ ضَلاَلاً بَعِيداً(النساء 60).

Bal daya kuwa sheeganaya in ay rumeeyeen waxa nebi Muxamadaw laguu soo dejiyey iyo wixii adiga hortaa la soo dejiyey haddana doonaya in ay ka xukun qaataan wax aan Alle ahayn, iyada oo la faray in ay diidaan, uuna doonayo shaydaanku in uu si xun u baadiyeeyo.

Wixii aan Ilaah ahayni waa shaydaan. Cid alla ciddii fikirkaas igu qilaafsani ha iigu soo jeediyeen fikirkooda oo qancin leh omersul04@gmail.com.

 

gleOMER SULEIMAN ALI                                                   14/06/14

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!

Fariimaha waxaad reebi kartaa adigoo Guest ahaan ah