Cismaan Barre Max’ed oo ku guuleystay xilka guddoomiyaha B Hir-shabeelle

by wadani | Thursday, Oct 13, 2016

Jowhar :HN:-”  Tirinta codadka guddoomiyaha baarlamaanka oo goor dhaw soo dhamaantay ayaa waxaa ku guuleystay Cismaan Barre Max’d  oo hellay codadkii la tiriyay 61 halka musharixii kale ee la tartamayay Abuukar Xassan Cali uu hellay 28, halka cod kalana uu xumaaday, waxaana codkooda dhiibtay 91 xildhibaan.

Waxaa tirinta codadka goob joog ka ahaa guddoomiyaha baarlamaanka dowladda Soomaaliya Prof Max’ed Cismaan Jawaari, wasiirka wasaarrada arrimaha gudaha iyo federaalka C/raxmaan Max’ed Xusseen Odawaa, iyo xildhibaanno ka tirsan dowladda federaalka.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!