C/kariin Xusseen Guuleed oo Addis Ababa kula kulmay wasiirka arrimaha dibada Itoobiya

by admin | Tuesday, Nov 17, 2015

Addis Ababa : HN :–Madaxweynaha maamulka ku-meel-gaarka ah ee Galmudug C/kariin Xusseen Guuleed ayaa magaalada Addis Ababa kula kulmay wasiirka arrimaha dibada Itoobiya.

C/kariin Xusseen Guulleed iyo wafdiga  uu hogaaminayay ayaa maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa magaaalda Adis Ababa, waxa uuna halkaasi Mr Guuleed kula kulmay Madax katitsan Dowlada Itoobiya uu ugu horeeyo wasiirka Arimaha dibada dalkaasi Tedros Adhanom.

tedros_1Wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya Tedros Adhanom ayaa sheegay inay Itoobiya muhiimad gaar ah u leedahay dowlad goboleedka Galmudug, waxuuna sheegay inay aad u soo dhaweynayaan booqashada markii ugu horeysay Madaxweyne Guuleed ku yimid dalka Itoobiya.

Madaxwenaha Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa sheegay in uu kulankani ahaa mid si weyn labada dhinac isku afgarteen laguna gorfeeyay xoojinta xiriirka labada dhinac gaar ahaan Ammaanka iyo Ganacsiga.

Dowlada Itoobiya ayaa Xariir gaar ah waxaay la leedahay Maamul Goboleedyada Dalka Soomaaliya ka jira, waxaana Magaalada Adis Ababa looga yeeraa amarana laga soo faraa Madaxda Maamul Goboleedyada Dalka.

Madaxweynaha Galmudug ayaa markiisii ugu horeeyay looga yeeray safarna ku tagay Magaalada Adis Ababa, si dhab ahna looma oga waxyaabaha gaarka ah ay Madaxda Itoobiya kala hadleen Madaxweynaha Galmudug.

Ciidamada Itoobiya ee jooga Gobolka Galgaduud ayaana wada shaqeyn la laheyn maamulka Galmudug waxa ayna taasi badalkeeda Ciidamada Itoobiya xariir hoose ka dhaxeeyaa Kooxda Ahlu Sunna oo kasoo horjeeda Maamulka Galmudug

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!