C/kariin Xusseen Guulleed iyo Axmed Macalin oo isugu soo haray wareegii saddexaad

by admin | Saturday, Jul 4, 2015

Fiqi-GuuleedCadaado : HN :– Doorashada xilka madaxweynaha maamulka Galmudug oo ah mid aad xiiso iyo xamaasad badan ayaa waxaa loo gudbay wareegkii saddexaad waxaana wareegii seddaxaad isugu soo harray C/kariin Xusseen Guulleed iyo Axmed Macalin Fiqi.

Wareega labaad oo ay ku tartamayeen saddexda musharax ee kala ah Axmed Salaan Xaaji Aadan, Axmed Macalin Fiqi iyo C/kariin Xusseen, ayeey kala helleen Axmed Salaan oo hellay 15 cod, C/kariin Xusseen Guulleed oo hellay 42 cod iyo Axmed Macalin Fiqi oo 32 Cod.

Siddaa daraadeed waxaa wareega saddexaad u gudbay musharixiinta kala ah Axmed Macalin Fiqi iyo C/kariin Xusseen Guulleed, waxaana la leeyahay mid walba oo ka mid ah labada musharax waxaa uu siweyn ugu dagaallamaya in uu hello 15 cod ee Axmed C/sallaan Xaaji Aadan, lamana oga sidda ay wax isku badalli doonaan saacadaha soo socda.

Waan idin soo gudbin doonaa natiijada ugu danbeysa….

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!