C/kariin Xusseen Guulleed oo Ahlu Sunna ugu baaqay wadda hadal

by admin | Monday, Sep 28, 2015

Cadaado : HN :–Madaxweynaha maamulka ku-meel-gaarka ah Galmudug  C/kariin Xuseen Guuleed ayaa isaga oo ku sugan magaalada Cadaado ugu baaqay Ahlu Sunna Waljmaeeca in ay aqbalaan wadda hadal ay la gallaan maamulkiisa.

C/kariin Xusseen Guuleed ka mid ahaa ka qeyb-gallayaashii shirkii lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho ee madasha wadda-tashiga,  ayaa sheegay in maamulkiisa uu diyaar u yahay inuu ku qanciyo Ahlusuna wax kasta oo ay ka tabanayaan.

“Waxaan rabaa in aan baaq Nabadeed u diro Ahlusunna Wal-jameeca, taasoo ah inay Ajiibaan Wad ahadalka Dowladda iyo Maamulka Cabdikariin-Xuseen-Guuleed-1Galmudug si horumar loo gaaro”ayuu yiri Madaxweyne C/kariin Xuseen Guuleed Ayuu yiri Madaxweyne Cabdikariin Xuseen Guuleed.

Waxaa uu siddoo kale intaa ku darray in loo baahan yahay in wax kasta oo khilaaf ah lagu dhameeyo wada hadal, isagoo xusay in maamulkiisa uu yahay maamul dib u heshiisiin.

Ahlusuna Wal-jameeca oo gacanta ku haysa xarunta Gobolka Galgaduud ee Dhuusa Mareeb iyo Guriceel ayaa ka soo horjeeda Maamulka Galmudug ee lagu dhisay Cadaado, waxaana dhinacooda ay Madaxweyne ku doorteen Dhuusa Mareeb.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa jiray xiisado dagaal oo u dhaxeeyay labada dhinac, waxaana dhowaan dagaal ka dhacay Caabudwaaq uu ku dhex maray Ciidamo kala taabacsan Ahlusuna iyo Galmudug.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!