C/kariin Xusseen Guulleed oo ka soo horjeestay war-murtiyeedkii ka soo baxay shirkii Garoowe

by admin | Sunday, May 3, 2015

Cadaado : HN :– C/kariin Xusseen Guulleed oo horay u soo noqday wasiirkii ammniga Qaranka islamarkaana haddan ah musharax u taagan qabashada xilka madaxweynaha maamulka la fillayo in laga dhiso gobollada dhexe, ayaa war-murtiyeedkii laga soo saaray shirkii ku soo dhamaaday magaalada Garoowe.

C/kariin ayaa sheegay in wax wanaagsan tahay marka hore in madaxda Soomaalidu wadda hadllaan, laakiin waxaa uu sheegay in waxcabdikariin-xuseen-guuleed dhici karo aheyn in lagu wadda hadllo qodobo ka hor imanaya dastuurka dalka.

”Annaga kama soo horjeedo in madaxdu wadda hadasho waa wax wanagsan, laakiin marka laga hadllayo dhismaha maamulka gobollada dhexe waa in la waafajiyaa dastuurka, ma jiro dowlad gobolleed ay sameysan karaa hal Gobol iyo Bar waa wax sharciga ka hor imanaya, maamulka ka dhismi doona gobollada dhexe waxaa uu ka kooban yahay labo gobol oo kala ah Galguduud iyo Mudug ayuu yiri C/kariin Xusseen Guulleed.

Waxaa uu sheegay in aysan jirin koox ama shaqsiyaad meel-marsan karta wax uusan dastuurka ama sharciga dalka ogoleyn, taasoo uu ula jeeday doonista Puntland ee ah in maamulka gobollada dhexe loo sameynayo noqdo mid ka kooban Gobol iyo Bar.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!