C/kariin Xusseen Guulleed oo sheegay in ay wadda-hadal la furayaan garabka Ahlu Sunna

by wadani | Wednesday, Dec 9, 2015

Muqdisho : HN :– Madaxweynaha maamulka ku-meel-gaarka ah ee Galmudug C/kariin Xusseen Guullleed ayaa sheegay in maamulkiisu diyaar u yahay wadda hadal in uu la furo garabka Ahlu Sunna ee ka arimiya inta badan deegaannada gobolka Galguduud.

C/kariin Xusseen Guuuleed ayaa sheegay in horeyba maamulkiisu ula hishiiyay qeyb ka mid ah Ahlu Sunna, haddanaMadaxweynaha_Galmudug_Ceelbuur diyaar u yihiin ay hor fariistaan wadda hadalna la furaan garabka kale ee kooxda ee ka arimiya degmooyinka Dhuusa-mareeb iyo Guri-ceel, kuwaa oo iskood u sameystay maamulka gobollada dhexe ee uu madaxweynaha ka yahay Sheekh Max’ed Sheekhi Cali Xassan.

”Horay waa jirta in xubno ka tirsan gollaha wasiirada maamulka ka siinay Ahlu Sunna oo haddaba ay ka mid yihiin Galmudug, waxaan markan qorshuhu yahay in aan wadda-hadal la furno garabka kale ee Ahlu Sunna ee fadhiya magaalooyinka Dhuusa-mareeb iyo Cadaado” ayuu yiri C/kariin Xusseen Guulleed.

Inkastoo C/kariin Xusseen Guulleed siddaa uu sheegay haddana maamulka gobollada dhexe ee fadhigoodu yahay Dhuusa-mareeb waxaa ay sheegeen in cidda kale oo ay kala hadlay khadiyada maamulka gobollada dhexe tahay dowladda federaalka, wax intaa dhaafsiisan oo ay aqoonsan yihiinna jirin.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!