C/kariin Xusseen Guulleed oo sheegtay in uu yahay madaxweynaha Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe

by wadani | Tuesday, Dec 15, 2015

Beledweyne : HN :– Madaxweynaha Maamulka Galmudug Cabdi Kariin Xuseen Guuleed iyo wafdi kasocda Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta gaaray Magaalada Baladweyne ay dhawaan ka dhaceen dagaalo u dhaxeeyay labo maleeshiyo beeleed.

Cabdi Kariin Xuseen Guuleed oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Baladweyne ayaa sheegay in ay halkaasi u tageen xalinta colaada u dhaxeysa labada maleeshiyo beeleed, waxa uuna tilmaamay in si kasto ay ku qaadato ay ka go’antahay in ay joojiyaan colaada Baladweyne ka aloosan.

Waxa uu xusay Madaxweynaha Galmudug sababta uu u yimid Magaalada Baladweyne in ay tahay in isagu asal ahaanBooqashada-Wasiirada-B.weyne-8 kasoo jeedo Magaalada Baladweyne uuna ka damqaday colaada ka dhax aloosan labada maleeshiyo beeleed.

Cabdi Kariin Xuseen Guuleed ayaa sheegay in isagu yahay Madaxweynaha Galmudug sidoo kale uu yahayMadaxweynaha Maamulka Gobolada Hiiraan iyo Shabeeaha Dhaxe inta laga soo dooranayo Madaxweyne kale uu maamulkaasi yeesho.

” Aniga Colaada Baldweyne si gaar ah ayey ii damqineysa, aniga waxaan ku dhashay oo xudunteeda ku aasan tahay Magaalada Baladweyne, waxaan ahay qof reer Hiiraan ah , waxaan ahay hada Madaxweynaha Galmudug, waxaana kale oon ahay Madaxweynaha Gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhaxe inta laga soo dooranayo Madaxweyne uu yeesho maamulkaasi” Ayuu yiri Madaxweynaha Galmudug isaga oo dhoolo cadeenaya

Ugu danbeyntii, madaxweynaha Galmudug iyo xubno katirsan Golaha Wasiirada iyo Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Baladweyne waxa ay u tageen xalinta colaada ka dhax aloosan Labo maleeshiyo beeleed oo wada dega Magaalada Baladweyne.

Hiiraan Net./

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!