C/kariin Xusseen Guulleed oo xariga ka jaray garoon diyaaradeed cusub

by admin | Monday, Oct 26, 2015

Gaalkacyo : HN :– Madaxweynaha maamulka ku-meel-gaarka ah ee Galmudug C/kariin Xusseen Guulleed ayaa xarigga ka jaray garoonkii ugu horreeyay oo uu yeesho maamulka, kaasoo laga dhisay Koonfurta magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Garoonkan oo lagu magacaabo USHAKA una jira magaalada Gaalkacyo qiyaas ahaan 8-km ayaa waxaa ka dagay shalay C/kariin Xuseen Guuleed iyo wafdi uu hoggaaminayo, waxaana mar uu saxaafadda la hadlay u sheegay in garoonkan uu yahay midka rasmiga ah ee ay isticmaali doonaan shacabka Galmudug.

C/kariin Xusseen Guulleed ayaa siddoo kale sheegay in maamulkiisu uu aad ugu dadaali doono sidii shacabka ku nool gobolka Mudug, kana soo kala jeeda maamulada Puntland iyo Galmudug ay ugu wada noolaan lahaayeen nabadda.

20151026635814285154671851IMG_3714“Waxaa naga go’an in shacabka wada-degga gobolka Mudug ee kasoo kala jeeda Puntland iyo Galmudug aan ku dadaalno sidii ay nabadgalyo ugu wada noolaan lahaayeen, waxaan u baahan nahay in shacabka ay ahaadaan kuwo mideysan oo kawada shaqeeya nabadda iyo amniga,” ayuu yiri C/kariin Guuleed.

Dhanka kale, madaxweynaha maamulka Galmudug ayaa ugu baaqay maamulka Puntland ee ay dariska yihiin, inay kala shaqeeyaan amniga iyo xasilinta guud ee gobalka Mudug oo labada maamul kala qaybiya.

Ugu dambeyn, maanta ayaa lagu wadaa in madaxweynaha Galmudug iyo wafdiga uu hog-gaaminayo ay socod ku maraan deegaanno ka tirsan kuwa gobolka Mudug, inkastoo aan la sheegin deegaannada ay tegi doonaan.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!