C/kariin Xusseen Guulleed” Puntland waa in ay nagala shaqeysaa daris wanaaga

by admin | Saturday, Jul 4, 2015

Cadaado : HN :–Madaxweynaha cusub ee maanta loo doortay koonfurta gobolka Mudug iyo gobolka Galgaduud ayaa ka cosadey dowladda Puntland inay la shaqeyso,si buu yiri horay loogu socdo.

Cabdikariin Xuseen Guuleed oo maanta loo doortay madaxweynaha maamulka Galmudug ayaa khudbad uu jeediyCabdikariin-Guuleeday waxuu sheegay inuu la shaqeyn doono maamullada dariska la eh,balse waxuu ka codsadey dowladda Puntland inay si dhow u caawiso.

“Waxaan ugu baaqayaa dowlad goboleedka Walaalaha aan nahay ee Puntland inay kala shaqeeyaan amniga, iskaashiga iyo arrimaha muhiimka u ah iskaashiga labada maamul, waxaan diyaar u nahay la shaqeynta Maamullada dariska la ah” ayuu yiri Cabdikariin.

Dhinaca kale dowladda federaalka ayuu ugu baaqay in ay garab istaagaan dowlad goboleedka ay dhiseen, islamarkaana ay gacan ka geystaan sidii maamulka uu ugu guuleysan lahaa hadafka loo doortay.

Ugu danbeyntii waxaa uu sheegay in ay maanta tahay maalin taariikhi ah, isagoo munaasabadaasi awgeed hambalyo u diray shacabka guusha u soo hooyatay iyo sida ay u dhacday doorashada.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!