C/llaahi Goodax Barre” mooshinka tallo soo jeedin ma’aha waa xil ka qaadis

by admin | Friday, Aug 14, 2015

Muqdisho : HN :– Iyadoo aad moodo in madaxweyne Xassan Sheekh Max’uud lagu dhagan yahay islamarkaana mooshin isaga ka dhan ah u gudbiyeen guddoonka gollaha shacabka xidlhibaanno gaaraya 91 xildhibaan, ayaa waxaa mooshinka iyo ujeedada laga leeyahay faah faahiyay xildhibaan C/llaahi Goodax Barre oo horay u soo noqday wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka.

Xildhibaan Goodax ayaa sheegay in mooshinka yahay mid ay sharciga u cuskadeen, islamarkaana madaxweynuhu ku eedeysan yahayGoodax arrimo badan, isaga oo intaa ku darray in xildhibaannadu xaq u leeyihiin in ay madaxweynaha mooshin ka keenaan haddii uusan sharciga u hogaasamin.

Mar uu ka jawaabayay su’aal aheyd in mooshinkan micnihiisa loo fasiri karo la xisaabtan iyo tallo soo jeedin ayuu yiri” Mooshinka tallo soo jeedin ma’aha ee waa xil ka qaadis toos ah,madaxweynaha Somalia waxaan lagu eedeynayaa in uu jabiyay dastuurkii dalka u yaalla, waxaa kaloo lagu eedeynayaa inuu jabiyay Xuquuqul Aadanaha, kuna kacay Musuq-maasuq, Daryeel la’aanta Ciidamada iyo Waxyaabo kale. Mooshinkana Guddoonka Baarlamaanka ayaa loo gudbiyay,”

Laakiin madaxweyne Xassan Sheekh oo xalay shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa ku tilmaamay xildhibaannada mooshinka ka keenay koox yar oo sidda uu hadalka u dhigay khas-wadayaal ah, islamrkaana shacabku ka dhagarsan yahay taariikhda ay ku dhax leeyihiin siyaasada Soomaaliya, isaga oo bulshada ugu baaqay in ay katsoomin kooxaha noocaas oo kale ah.

Hadalka madaxweynaha ayaa marka hoos ahaan loo sii eego waxaa la oran karaa waa erayo uu si toos ah ugu weerarayay mudanayaasha hor socda mooshinka.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!