C/llaahi Goodax Barre oo xilka ka wareejiyay wasiirrka cusub ee arrimaha gudaha

by admin | Saturday, Feb 14, 2015

Muqdisho : HN :–Wasiirka cusub ee Arrimaha Gudaha iyo Federaalka C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa) ayaa maanta si rasmi ah ula wareegay xilka Wasaaradda dhowaan loo magacaabay, kadib munaasabad ka dhacday magaalada Muqdisho, iyadoo munaasabadan ay goob joog ka ahaayeen Mas’uuliyiin uu ka mid ahaa Hanti dhowrka guud.

Munaasabadan ayaa waxaa ka hadlay Hanti dhowrka guud ee Qaranka Dr. Nuur Faarax ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay munaasabada xil wareejinta, isagoo xusay in wasaaraddan ay ka mid tahay wasaaradihii ay la xisaabtanka ku sameeyeen sida uu yiri.

Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha iyo Federaalka C/llaahi Goodax Barre ayaa munaasabada ka sheegay waxyaabihii u qabsoomayIMG_2275 mudadii uu xilka hayay, isagoo xusay inay wax badan ka qabteen arrimaha maamul u sameynta dalka iyo barnaamijka federaaleynta.

Waxaa uu uga mahad celiyay howl wadeenada Wasaaradda Arrimaha Gudaha shaqadii wanaagsaneyd ee ay la soo qabteen, isagoo ka dalbaday inay si taas la mid ah ay ula shaqeeyaan wasiirka cusub.

Mr Goodax ayaa xusay inay jiraan howlo qabyo u ah Wasaaradda, kuwaasi oo ay ka mid tahay dhismaha xaruntii hore ee Wasaaradda oo uu Wasiirka cusub kula dar daarmay in uu dib u dhis ku sameeyo, maadaama Wasaaradda Arrimaha gudaha ee Turkiga balan qaaday dhismaha xaruntaas.

Wasiirka cusub ee Arrimaha gudaha iyo Federaalka C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa) ayaa ugu horeyn uga mahad celiyay Wasiirkii horewaxyaabihii u qabsoomay, isagoo intaa ku daray in uu dar dargelinayo hirgelinta Nidaamka Federaalka ah, dhameystirka mashaariicyada qabyada ah iyo dib u dhiska xaruntii hore ee Wasaaradda.

Mr Odawaa ayaa ugu baaqay dhinacyada ku dagaalamaya Guriceel inay dagaalka joogaan, waxaana uu baaq u jeediyay hey’adaha sama falka inay gar gaar la gaaraan dadkii ka barakacay degmadaas.

Wasiirka cusub ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa) ayaa waxaa sugaya howl fara badan oo ay ugu weyn tahay arrimaha maamul u sameynta dalka iyo Federaaleynta.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!