Shirkad daneyneysa qaadashada qandaraaska dib u dhiska garoonka diyaaradaha B/weyne

by admin | Sunday, Jun 17, 2012

Shirkad uu madax ka yahay Xasan Kaafi ayaa dalab u dirsatay hogaamiyayaasha gobolka Hiiraan iyo madaxda gobolka uga jirta dowlada dhexe.

Shirkii dhawaan ku soo geba gaboobay wadanka Jabuuti ayaa heyádaha gargaarku waxay balan qaadeen in dayactir iyo dib u dhis lagu sameeyo kaabayaasha bulshada oo uu ka mid yahay garoonka diyaaradaha B/weyne.

Dalabkan oo ku aadan helida qandaraaska dib u dhiska garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif, ayay shirkadan daneyneysaa inay hesho kalsoonida dhismaha garoonka.

CODSIGA AYAA SIDAN U QORNAA..

KU, Ugaasyada iyo odey dhaqamedyada gobolka Hiiraan oo uu ugu horeeyo Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Khaliif.

KU,Wasiirka QQ iyo XC dr. Cabdulaahi Godax, iyo wasiirada reer Hiiraan dhamaan

KU,gud.gobolka Hiiraan. Cabdifitaax Xassan Afrax.

KU, dhamaan qeybaha kala duwan ee gobolka Hiiraan

UJEEDO, codsi qandaraaska dib u dhiska garoonka caalamiga ah ee ugaas khaliif.

Anigoo ah mudane Xassan Maxamed Ibrahim (Kaafi) muwaadin reer Hiiraan ah ku dhashay magaalada beledweyne,  kuna soo barbaaray dugsigii barbaarinta caruurta boliska Soomaaliyeed ee magaalada muqdisho, leh qibrado dhowr iyo sodan sanadood oo waxbarasho iyo shaqooyin kala duwan isugu jira.

Waxaan dhamaan qeeybaha kala duwan ee kor ku xusan si xushmad iyo qadarin leh uga codsanayaa
Inaan danaynayo rabana inaan qabto shaqada dib u dhiska garoonka caalamiga ah ee ugaas khaliif ee magaalada Beledweyne.

Runtii ma ahan wax hada igu dhashay inaan howshaas baaxada leh qabto balse waa arin in mudo ah aan ku taamayay inaan mashruucaas horumarineed aan deegaankeeyga umeelmariyo waliba aniga oo qorshaynayay in aan si iskaa wax u qabso ah ku dhiso anoo kaashanayo reer Hiiraan iyo cid alaale iyo cidii gacan ka gaysan karto.

Laga soo bilaabo ilaa iyo xiligii uu noo dhamaaday mashruucii qayriga ahaa ee labada bus ee jaamacada Hiiraan waxaan waday wacyi galin ku aadan sidii aan u bilaabi lahayn dhismaha garoonka diyaaradaha ee ugaas khaliif, wada tashi farabadan oo aan qeeybaha bulshada la sameeyay waxaa ii soo baxday inaan diyaar u nahay in mashruucaas aanu meelmarin karno.

Waxaan kalsooni buuxda ku qabaa inaan buuxin karo dhamaan shuruudaha ku xiran qaadashada qandaraaskan, marka laga reebo inaan horay hay,ado caalami ah qandaraas aanan uga soo qaadan,
taas badelkeeda waxaan haystaa qibrado shaqooyin horumarineed oo aan deegaanadeena ka soo qabtay, waxaana aamin sanahay qofkii fuliyay mashruuc aan dhaqaalihiisu meelna diyaar ku ahayn, mid dhaqaalihii ku bixi lahaa layaboohay fulintiisu inaanay dhibayn.

Waxaan bilaabay mashaariicda horumarineed ee gobolka Hiiraan dabayaaqadii sagaashameeyadii waxaan xusuustaa sanadkii 2002 mar aan beledweyne u tagay mashaariic aniga iigaar ah ayaan waxaan ka soo duubay cajalad video ah oo kusaabsanayd horumarka magaalada beled weyne ee xaga dhismaha.

Waxaan gurigiisa ugu tagay Ugaas Cabdiraxmaan iyo duqoowdii reer Hiiraan ee xiligaa oo ay ka mid ahaayeen Dacar Xirsi Xooshow, Raage Nuur Gaab, xildhibaan Cumar Ugaas, iyo in badan oo aanan halkaan ku soo koobi Karin, ugaasku wuxuu cajalada iigu duubay in jaaliyadii aan markaas ka socday ee reer Holand dib udhiska gobolka ka qeeyb qaataan, hadii ay noqon lahayd mid guud iyo mid gaar ahaaneedba.

Markii aan dib u noqday ee aan wacyi galintii bilaabay waxaan ilaahay mahadiis ku guulaystay in la helo in badan oo si gaar ah gobolka u maal gashata.

Waxaan mar walba ku hanweynahay in Hiiraan ay ka mid noqon doonto deegaanada ugu horumarsan gayigeena Soomaaliyeed, waxaan aaminsanahay in Beledweyne magaalooyinka dunida ugu bilicsan aan ka dhigi karno, anigoo daliishanayo suugaantii soomaaliyeed ee oranaysay

Siday diintu nagu tiri dayaxana ha dhaaftee
Filkaa darajaduu helay daa,im kaama daayinee
Dadaal gaari doontide taas waxaa daliil u ah
Haadka samada duuliyo diinkuba u siman calaf

Waxaan dhismaha igala qeeyb qaadan doona qubaro ku xeeldheer dhisida garoomada caalimaga ah
Horayna u soo fuliyay mashaariic kan la mid ah, waxaan uruurin doonaa talada waxgaradka reer Hiiraan ee ku aadan mashruucan, waxaan ku shaqayn doonaa si boqolkiiba boqolaad raali ku noqon doontaan ,waxaan (roll model) u noqondoonaa qandaraaslayaasha mustaqbalka ee gobolka
Waxaan ku shaqayn doonaa dariiq ilaahay uu raali ka yahay wax musuqmaasuq ahna aan lahayn nadiif ah.

Waxaan is leeyahay in badan talada shaqadan waxaa leh cidiina gargaartay shuruudaha ay soo gudbisana waa loo baahanyahay in la buuxiyo, waana buuxin karaa, waxaa sidoo kale aan meesha ka maqnayn in deegaanku talo weyn ku leeyahay howsha maadaama cida howsha loo qabanayo ay deegaanka tahay, deegaanku wuxuu u baahan yahay cid uu kalsooni buuxdo ku qabo si hagar la ,aan ahna wax ugu fuliso.

Mar labaad waxaan si qadarin leh idiinka codsanayaa in aad ii wakiilataan inaan howshaas dadkayga u qabto igu taageertaan ilana shaqaysaan

Waxaan ilaahay ka baryayaa in hadii shaqadaas aan codsaday uu qeeyr iigu jiro in ilaahay i waafajiyo hadii ay shar iitahayna in ilaahay uu iga xijaabo,
mahadsanidiin

Xassan maxamed Ibrahim
London uk 447949468117

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!

Fariimaha waxaad reebi kartaa adigoo Guest ahaan ah