Col Barre Hiiraalle oo ku gacan seyray hadal ka soo yeeray madaxweynaha Soomaaliya

by admin | Saturday, Dec 20, 2014

Muqdisho : HN :– Col Barre Aadan Shire Hiiraalle oo ka mida h siyaasiyiintii sheegatay madaxweynaha maamulka Jubba ee markii danbanna dagaallka kula gashay Kismaayo Axmed Madoobe, ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay hadalkii ka soo yeeray madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xassan Sheekh Max’uud oo ahaa in Axmed Madoobe wixii hadda ka danbeeya loogu yeeri karo madaxweyne.

Waxaa uu sheegay in hadalka madaxweynaha uu yahay mid qaldan oo dhibaato ku ah dib u hishiisiintii iyo waan-waantii laga wadday deegaannada Jubbooyinka, waxaana uu tilmaamay in Axmed Madoobe uusan aheyn madaxweyne.

“Madaxweynaha dastuur iyo nidaam ayuu ku yimaadaa, ee Madaxweyne Madaxweyne ma magacaabi karo, xaqna umaBarre-Hiiraale lahan inuu taas yiraahdo, dad baa meesha degan, saddex gobol weeye in u dib u heshiisiin la isku tago, nidaam iyo maamul la sameeyo, cida dadka ay doortaan ayaa hogaamiye u ah”ayuu yiri Col. Barre Hiiraale.

Madaxweyne Xasan Sheekh maxamuud ayaa Khamiistii ka sheegay magaalada Kismaayo in wixii hada ka dambeeya aan Axmed Madoobe la dhihi karin Hogaamiye, isla markaana loo bedelay Madaxweyne, maadaama uu qeyb ka yahay maamulkiisa maamulada dalka laga dhisayo.

Col. Barre Hiiraale ayaa ka mid ahaa dhinacyadii ka soo horjeeday maamulka Jubba ee ku sugnaa deegaanka Goobweyne, hase ahaatee wada hadalo ay garwadeen ka ahaayeen xubno ka tirsan Golaha Wasiirada ayaa keenay in halkaas laga soo waday, lana heshiisiiyo isaga iyo Axmed madoobe.

Hase ahaatee markii uu magaalada Muqdisho yimid bilo ka hor ayuu ku eedeeyay Axmed madoobe inuu jebiyay heshiiska, isla markaana shirkii dib u heshiisiinta ee loo madalsanaa 1-da October dib loo dhigay lana gaarsiiyay 16 bisha October.

Hiiraan Net,.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!