Col Barre Hiiraalle” shacabka ha iska difacaan duullaanka Axmed Madoobe

by admin | Wednesday, Jan 14, 2015

Kismaayo : HN :– Col Barre Aadan Shire Hiiraalle oo ka mid ah siyaasiyiinta sidda weyn uga soo horjeeda maamulka Jubba, ayaa siweyn ugu eedeeyay ciidammada Axmed Madoobe in ay xasuuq ka waddaan sidda uuu hadalka u dhigay magaalada Kismaayo.

Col Hiiraalle ayaa ku eedeeyay maamulka Jubba dilalka ka dhacay magaalad Kismaayo, wuxuu tilmaamay in dadka laga rabo inay ka dhiidhiyaan dhibaatooyinka loo geysanaayo.

Isagoo ka hadlayey kulan ka dhacay Muqdisho ayuu wax lala yaabo ku tilmaamay in kooxaha Kismaayo kuBarreHiiraale dhibaateynaya dadka lagu sii maalgeliyo sida uu yiri laguna dhiiri geliyo falalka ay ku kacayaan.

“Hal mar bay naftu go’daa, qof kasta saacada uu dhimanayo ma dhaafayo, dhibaatada la idiin geysanaayo sheega oo caalamka tusa, ha baqina, Qaniinyo Qaniinyo kale ayaa kaa fujisa shacabka reer Kismaayo isdifaaca anaga dad ayaan idiin soo direynaa” ayuu yiri Barre.

Ku dhowaad 10 qof oo shacab ah ayaa lagu dilay maalmihii la soo dhaafay magaalada Kismaayo waxaana dilalkaas lagu eedeeyey mamaulka Jubba ciidamadiisa.

Balse saraakiisha maamulka Jubba ayaa iska fogeeyey iney dilalkaas ku lug leeyihiin, waxayna taas bedelkeed ku eedeeyeen iney ka dambeeyaan Al-shabaab.

Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!