Col Tuuryare oo loo magacaabay agaasimaha hay’adda nabad-sugida

by admin | Sunday, Sep 21, 2014

Muqdisho : HN :– Wasiirrada Soomaaliya ayaa maanta qaatay kulan deg deg ah oo la sheegay in looga hadlay arrimo dhawr oo ay ka mid yihiin ammaanka qaranka iyo Hindise-sharciyadeedka Biyaha.

Sidoo kale.wasiirrada kulanka ay qaaten waxaa ay ku magacaaben Taliyaha ciidammada nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka. Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa xilka Taliyaha ciidammada nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka u magcaabay Cabdiraxmaan Maxamed Tuur-yare.

Cabdiraxmaan Maxamed Tuuryare taliyaha cusub ee hay’adda nabad-sugidda qaran ayaa horay usoo noqday guddoomiyaha maxkamadda millatariga Soomaaliya,xilkasta oo u hayey muddooyinkii danbe.

Wasiir-ku-xigeenka War-faafinta Xukuumadda Soomaliya Mudane Cabdulaahi Colaad Rooble ayaa ka dib markii uu soo dhammaadayTuur-yare shirka Golaha Wasiirada waxa uu la hadlay saxaafadda, isagoo sheegay in Goluhu isku raacay magcaabidda Taliyaha Ciidanka Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka.

Wasiirku isagoo hadlaya, waxa uu yiri“ Golaha Wasiiradu waxa ay sidii caadada ahayd ka hadleen xaaladda ammaanka, iyadoo war-bixinno laga dhegaystay Wasaaradda Ammaanka Qaranka. Golahu waxa uu sidoo kale isku raacay magcaabidada Taliyaha Ciidanka Nabad-sugidda iy Sirdoonka Qaranka oo loo magcaabay Cabdiraxmaan Maxamed Tuuryare.

“Waxaa xusid mudan in magacii Agaasimaha Hay’adda meesha laga saaray oo lagu beddelay Taliyaha Ciidanka Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka, magacaasi ayaana loogu yeeri doonaa. Goluhu waxa uu u rajaynayaa taliyaha cusub in uu shaqadiisa u guto si hufan oo daacadnimo iyo waddaniyadi ku jirto.

Xilka loo magacaabay Col C/raxmaan Tuuryare ayaa horay looga qaaday  C/llaahi Sanbaloolshe oo xil ka qaadistiisa buuq siyaasadeed ka dhax abuurtay dowladda kaddib markii uu ka biyo diiday madaxweynaha inkastoo markii danbe uu aqblay.

Hiiraan Net.

 

 

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!