C/qaadir Cali Cumar” waa la ii diiday in aan ka qeybgallo doorashada Cadaado

by wadani | Friday, Dec 2, 2016

Cadaado : HN :-Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha Dowladdii Sheekh Shariif Sheekh Axmed Sheekh C/qaadir Cali Cumar ayaa KNN u sheegay in Asaga iyo Ergadiida loo diiday in ay galaan Doorashada ka socota Magaalada Cadaado.

C/qaadir Cali Cumar ayaa ku Eedeeyay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud inuu ka dambeeyo islamarkaana uusan dooneyn in C/qaadir Cali Cumar uu ku soo baxo Aqalka Hoose sida uu yiri.

“Muddo 30 maalmood ayay wadeen sidii ay u bedeli lahaayeen ergooyinkii saxda ahaa, waxaa jirtay 34 ergo oo ahaa kuwo sax ah, waxaa lagu bedelay ergooyin kale oo been abuur ah, hadii meesha wax doorasho ah  oolin oo ku shubasho ay jirto, waa in aan Bulshada Been loosheegin “ayuu yiri C/qaadir Cali Cumar.

Sheekh C/qaadir Cali Cumar ayaa sheegay in

uu jiro go’aan Madaxtooyada ka soo baxay oo ay fulineyso Galmudug, kaasoo ah in aan isaga ku soo bixin kursiga Xildhibaannimo, sidaas darteed uu yahay qorshe aniga  la iiga  hor-joogsanayo, maadaama aan taageero ka heysto dadka deegaanka”ayuu ku sii daray Hadal kiisa.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!