C/qaadir Nadaara oo loo magacaabay afhayeenka madaxweynaha Koonfur galbeed

by admin | Monday, Mar 2, 2015

Muqdisho : HN :– Madaxweynaha maamulka Koonfur galbeed Soomaaliya ayaa wareegto uu soo saaray waxaa afhayeenka maamulka Koonfur galbeed u magacaabay wariye C/qaadir Max’ed Cashara Nadaara oo ka mid ah suxufiyiinta Soomaaliyeed.

“Waa mid aan ku faraxsanahay xilka uu madaxweyne Shariif Xasan aniga ii magacaabay, kaasoo ah inaan noqdo afhayeenkiisa gaarka ah,” ayuu yiri C/qaadir Nadaara oo saxaafada la hadlay.

Sidoo kale, wariye Nadaara ayaa kasoo shaqeeyay saxaafada gudaha iyo dibadda waxaana ka mid ah warbaahinta uu kasoo shaqeeyay idaacado iyo taleefishinno kala duwan.

Magacaabiddiisa ayaa kusoo beegmaysa xilli maamulka KMG ah ee Koofur-galbeed uu dhawaan sheegay inuu Al-shabaab ka saari Wariye_Nadaara_Afhayeen_KGSdoono dhammaan deegaannada hoos-yimaada maamulkooda.

Gobollada uu ka taliyo maamulka Koonfur-galbeed ayaa kala ah Shabeellada Hoose, Bay iyo Bakool, waxaana deegaanno gobolladaas ka tirsan gacanta ku haysa Xarakada Al-shabaab ee Somalia, inkastoo qaarkood laga saaray.

Suxufiyiinta Soomaaliyeed ayaa sannadihii u dambeeyay loo magacaabay xilal ka tirsan kuwa dowladda, iyadoo horay xilka afhayeenka xafiiska RW Somalia loogu magacaabay Ridwaan Xaaji C/weli .

Ugu dambeyn, magacaabidda C/qaadir Nadaara ayaa kusoo beegmaysa iyadoo bilo ka hor uu u magacaabay madaxweyne Xasan Sheekh inuu afhayeenkiisa noqdo wariye Daa’uud Aweys oo horay ug soo shaqeeyay laamaha af Soomaaliga ee BBC-da iyo VOA-da oo uu xilliyadii ugu dambeeyay u shaqeynayay.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!