C/qaadir Siddii” waxaa na soo gaaraya codsiyo nooga yimid dhalinyarrada ka tirsa Al-shabaab isa soo dhiibtay

by admin | Sunday, Sep 21, 2014

Shabeellaha hoose : HN :– Gudoomiyaha gobolka Shabeelaha Hoose C/qaadir Maxamed Nuur “Siidii” ayaa sheegay in illaa 300 dhalinyaro ka soo goosatay Al Shabaab ay u soo galeen dawlada, ayna dalbadeen in la siiyo magangelyo.

C/qaadir Siidii ayaa sheegay in sababta loo hakiyey hawlgalladii ka dhanka ahaa Al Shabaab ay u hakadeen kadib markii ay soo bexeen codsiyo ku aadan in dhalinyaro badan oo ka mid ah dagaalyahanada Al Shabaab ay rabaan in ay soo goostaan ayna la’ yihiin meel ay soo maraan.

“”Waxaa na soo gaareysa codsiyo fara badan oo ka imaanaya dhalinyaradii ay khaldeen nimankan nabad diidka ee Al Qaacida iyo Al Shabaab, illaa hadda waxaa isa soo dhiibay in ka badan 300 oo hubkii iska dhigay, sheegayna inay rabaan inay nabada ka qeybqaataan.” ayuu yiri C/qaadir Siidii.

Gudoomiyaha Shabeelaha Hoose wuxuu sheegay in mudo kooban la hakiyey hawlgalkii militari ee Ciidamada AMISOM iyo kuwa DawladaSiidii Soomaaliya ay kula dagaalamayeen Al Shabaab si waqti loo siiyo dhalinyarada ka soo baxaysa Al Shabaab, kuwaasoo qaarkood cabsi iyo cadaadis ku hoos jira, isla markaana weysan meel ay ku soo baxsadaan.

“Ma rabno inaan wadada ka xirno dadka dhalinyarada ah ee na soo wacaya maalin kasta, sidii uu sheegay madaxweynaha Soomaaliya dhowaan waxaan rabnaa in waqti la siiyo cidii rabta inay hubka iska dhigto oo ay ummadeeda si nabad ah kula noolaato.” ayuu sii raaciyey.

Wararka laga helayo gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in ciidamada dawlada iyo kuwa AMISOM ay ku sugan yihiin deegaanadii ay qabsadeen bishii hore, isla markaana dhinaca Al Shabaab ay iyaguna soo hir fadhiyaan, waxaana meelaha sida weyn hadda isha loogu hayo ka mid ah magaalooyinka Baraawe iyo Diinsoor oo fadhi u ah ururka AlShabaab.

Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!