C/Qaasim Salaad Xassan” dastuurka ayaa sabab u ah khilaafka madaxda sare

by admin | Friday, Nov 28, 2014

Qaahira : HN :– Madaxweynihii hore ee dowladda Soomaaliya C/Qaasim Saalaad Xassan ayaa sheegay in khilaafka u dhaxeeya madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha uu sabab u yahay dastuurka oo sidda uu sheegay aan aheyn mid kala qeexaya awoodaha ay kala leyihiin madaxda sare ee dalka.

“Runtii waa nasiib-darro khilaafyada aan dhammaadka lahayn ee madaxda dalka soo dhex-gala, kuwaasoo soo jirtay tan iyo dowladdii Carta lagu soo dhisay, waana mid ka imaanaya khaladaad ku jira dastuurka dalka oo aan lagu qeexin awoodaha ay labada mas’uul kala leeyihiin,” ayuu yiri C/qaasim Salaad.

C/Qaasim Salaad Xassan ayaa ku taliyay in dastuurka la saxo, lana kala saaro awoodaha ay madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya kala leeyihiin, taasoo uu sheegay inay sababi karto inuu yaraado khilaafka joogtada ah ee soo dhex-gala madaxda dalka.

“Tan labaad waxa weeye in khilaafka la joojiyo, waayo ma jirto wax dan ah oo ugu jirta ummadda Soomaaliyeed oo in ku dhow 30-sanoabdiqasim dagaal iyo hoog is-qasbsiga madaxda dalka. Sidoo kalena in madaxweynaha ay is-qabsadaan ra’iisul wasaarihii uu soo magacaabay, haddana xildhibaanada baarlamaanka ay isku qabsadaan ma jirto dan ku jirta,,” ayuu hadalkiisa raaciyay.

Isaga oo ka jawaabayay su’aal aheyn caqabada uu khilaafka ku keeni karo horumarkii ay Somalia gaartay sannadihii lasoo dhaafay ayuu ku jawaabay, “Khilaafka jira caqabad weyn buu ku yahay horumarkii dowladda iyo kan dalka intaba. Sidoo kale waxay dhibaato ku tahay amniga iyo taageeradii laga heli lahaa dalalka dibadda, marka in khilaafkaas la xalliyo waa lagama maarmaan.”

Ugu dambeyn, Dr. C/qaasim ayaa soo jeediyay in aqoonyahanka, culumada iyo waxgaradka Soomaaliyeed intay isku tagaan inay la hadlaan madaxda dalka ee uu khilaafku u dhexeeyo una sheegaan waxa ay ku jirto danta dalka iyo dadka Soomaaliyeed, kaasoo ah in khilaafka lasoo afjaro.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!