C/raxmaan Ceynta oo isaga tagay hogaankii machadka Heritage

by admin | Monday, Feb 2, 2015

Muqdisho : HN :- C/raxmaan Yuusuf Cali Ceynte oo ahaa agaasmihii machadka daraasaadka iyo siyaasada Heritage ayaa isaga tagay xilkii uu ka hayay machadka, kaddib markii uu dhawaan ku soo baxay liiska xubnihii gollaha wasiirrada uu soo dhisay ra’iisal wasaare Sharma’arke.

Warbixin bile ah oo laga soo saaray machadka ayaa lagu sheegay in C/raxmaan Ceynte oo loo magacaabay wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga uu aqbalay codsi uga yimid Ra’iisul Wasaaraha oo ahaa inuu ku biiro Golaha Wasiirada cusub.

Warbixinta ayaa lagu qoray in C/raxmaan Ceynta uu ka mid noqday gollihii wasiirrada la soo magacaabay 27-kii bishii ina dhaaftay eeheritage_gar-14 Janaayo, sidda daraadeed uu dhinac isaga taagay hogaanka machadka sidda isaga oo tiraacaya sharciga iyo qeynuunka HIPS.

Sidoo kale Warbixinta ayaa lagu yiri in Mr Ceynte uu dhinac isaga taagay hogaanka Machadka, sida uu qorayo sharciga HIPS, kaasoo dhigaya in hadii hogaanka Machadka xil kale loo magacaabo uu baneynayo jagadaas.

“Mr Ceynte Waxaa loo magacaabay Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamig ah. Markiiba, dhinac ayuu uga istaagay hoggaanka HIPS, sida uu qorayo sharciga HIPS. Guul ayaan u rajeyneynaa”ayaa lagu yiri Warbixinta Heritage.

Agaasime Xigeenka Machadka C/rashiid Khaliif Xaashi ayaa si ku meel gaar ah u siin hayn doona xilka hogaanka HIPS, Haddii Golaha Baarlamaanku ansixiyo wasiirrada cusub, Mr. Xaashi ayaa si rasmi ah ula wareegi doona hoggaanka HIPS, sida ku cad sharciga HIPS, wuxuuna si qoto-dheer ula shaqeyn doonaa Golaha Sare, deeq-bixiyayaasha iyo hey’adaha kale ee jaalka la ah Machadka.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in Machadka uu sii wadan doono madax-bannaanidiisa iyo dhexdhexaadnimadiisa, isagoo ka qayb qaadan doono inuu kaalin wanaagsan ku yeesho jaan-goynta siyaasadda Soomaaliya, una sii maraya cilmi baaris iyo taxliil.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!