C/raxmaan Faroole” dowladda ayaan ku eedeyneynaa dilkii danjire Yuusuf Bari Bari

by admin | Sunday, Mar 29, 2015

Australia  : HN :– Madaxweynihii hore ee maamul gobolleedka Puntland C/raxmaan Sheekh Max’ud Faroole ayaa isaga oo jooga dalka Australia, waxaa uu ka hadllay dilkii danjirihii dowladda Soomaaliya u fadhiyay Switzarland Yuusuf Bari Bari oo ku geeriyooday weerarkii hotelka Maka Al-Mukarama.

C/raxmaan Faroole ayaa dowladda Soomaaliya ku eedeeyay in ay qeyb ku yeelaneyso dilka danjjiraha madaama sidda uu hadalka dhigay ay dayacday amaankiisa, islamarkaana aysan siin maqaamkii uu u baahnaa.

 “Mas’uuliyadda waxaa iska leh dowladda Federaalka, Ninkaas safiirka ah ammaankiisa in si gaar ah loo ilaaliyo ayey ahayd ma ahan in medium_kIBqzNgfuu dadka caadiga ah iska dhex dego,..waan ku dhaliilayaa dowladda taas” ayuu yiri.

Waxaa uu siddoo kale ku eedeeyay dowladda federaalka Soomaaliya in aysan xil iska saarin daba-galka weeraradaas oo kale, marka laga soo tago in ay u tacsiyeeyaan oo kaliya dadka wax ku noqda.

“Tacsi wax dhaafsiisan oo ay soo sheegaan maleh, lama baaro waxba lama soo sheego dambe, taxadar dambe lama sameeyo…waan ku dhaliilayaa dowladda taas” ayuu yiri

Hadalka C/raxmaan Faroole ayaa imanaya xili in ka badan 21 ruux ay ku geeriyoodeen weerarkii Al-shabaab ku qaadeen hotelka Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!