C/raxmaan Faroole oo ka hadlay siyaasada Soomaaliya

by admin | Thursday, Sep 24, 2015

Garoowe : HN :–Madaxweynaha dowlad gobolleedka Puntland C/raxmaan Sheekh Max’ed Faroole oo maanta munaasabad ciida kala Qayb qaatay dadweynaha magaalada Garowe ayaa ka Warmay Aragtidiisa Siyaasadeed Ee Soomaaliya.Faroole

C/raxmaan Faroiole ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya Saddex-dii Sano ay  jirtay, ee la so dhaafay  ay ku fashilantay Arimihii lo igmaday,Waqtigeedana ay ku dhumisay dagaal siyaasadeed oo ay lagashay maamulada Sharciga ah ee dalka ka jira.

Mudane Faroole ayaa sheegay in uu Dhaliilsanyahay,Qaabka Lo Qorshaynayo Hanaanka Doorasho ee 2016-ka,oo uu sheegay inay Door muhiim ah ku leeyhiin Beesha Caalamka.

Madaxweynihii hore Faroole, ayaa intaa ku daray in dowladda iska hor keentay maammulada gobollada dalkaa ka jira,isagoona Sheegay in arintaasi uu arko,Nadaam Diid,Dastuur Diid,Xeer Diid,Waxba yay San socon,Taasina ay Caqabd ku tahay Geedi-socodka Soomaaliya.

Ugu Danbaytii Madaxweynihii hore ee Puntland Faroole ayaa Madaxweyne Xassan Sheikh ugu Baaqay in uu iscasilo,Hadii u Wax ka Qaban Waayay Arimaha Soomaaliya oo Doorashadu kow ka tahay.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!