C/raxmaan Faroole” Xassan Sheekh xafiiska ha isaga tago

by admin | Saturday, Sep 26, 2015

Garoowe : HN :– Madaxweynihii hore ee maamulka Puntland C/raxmaan Sheekh Max’ed Faroole, ayaa sheegay in madaxweyne Xassan Sheekh mudadii saddexda sanno aheyd ee uu xafiiska joogay ku dhameystay is qab-qabsi siyaasadeed, siddaa daraadeed dariiqa kale ee hadda u furan yahay in uu xafiiska baneeyo.

Waxaa uu sheegay in isaga oo jooga magaalada Garoowe in mudadii saddexda sanno aheyd aysan jirin wax uu Faroole11qabtay, marka laga soo tago is heysi iyo is qab qabsi dowladda dhexdeeda ah, isaga oo ku tilmaamay saddexdii sanno ee la dhaafay sannado dowladda ka khasaaray.

“Waxa la sheegi karo oo maanta la qabtay mudadii saddexda sanno ah ma jirto, wax khasaaray mooyaane, saddex sano waxay kaga dhamaatay khilaaf gudaheeda ah iyo Ra’iisul Wasaarayaal la badalay, maamuladii loo igmaday oo khilaaf soo kala dhex galay, maanata waxaa is heysta labadii hey’adood waa Madaxtooyada iyo Baarlamaanka”ayuu yiri C/raxmaan Faroole.

Waxaa uu intaa ku darray Faroole in uu aamisan yahay in doorasho dalka ka dhici karto hadii si fiican loo shaqeeyo, waxaase uu xusay inuusan garan karin wax aan doorasho aheyn oo doorasho ah inay dalka ka dhacdo.

“Heshiiska hada la soo saaray ee Beesha caalamka door ku laheyd, ee la leeyahay waxaa la raadinayaa waxaan doorasho aheyn oo doorasho ah, aniga ma garan waxaan doorasho aheyn oo doorasho ah maba dhici karto, aniga waxaa qabaa in doorasho ay dhici karto hadii si fiican loo shaqeeyo”ayuu yiri Mr Faroole.

Waxaa uu sheegay in loo baahan yahay madaxweyne Xassan Sheekh haddii uusan waxba u qaban karin mushtamaca Soomaaliyeed ee uu mas’uulka ka yahay u wanaagsan tahay in uu is casillo,, madaama sidda uu sheegay in waqtiga kooban ee harran wax badan la qaban karo dalka doorasho la gaarsiin karo.

“Xasan Sheekh waxaa leeyahay hadii aadan waxba qaban karin isaga tag, C/llaahi Yuusuf maalin buu ka tagay, isagoo aan Mandate-kiisu dhamaanin, ceebna ma ahan hadii aad is casiho oo aadan waxba qaban karin”ayuu yiri Madaxweynihii hore ee Puntland.

Dowladda uu madaxweynaha ka yahay Xassan Sheekh waxaa uu harray hal sano, iyadoo laga filayo inay sanadka 2016 ay ka dhacaan nooc doorasho oo ka duwan tii 2012, kadib markii Baarlamaanka iyo Xukuumadda ay sheegeen in aanay dhici karin doorasho hal qof iyo hal cod.\

Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!