Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke oo la fillayo in loo magacaabo ra’iisal wasaare

by admin | Monday, Dec 15, 2014

Muqdisho : HN :– Wararka saacadihii ugu danbeeyay ka soo baxaya xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya ayaa sheegaya in madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xassan Sheekh Max’uud oo gabagabeeyay latashiyadiisii la xiriiray magacaabista ra’iisal wasaaraha badallaya Cabdiwali Sheekh Axmed Max’ed, waxaana wararku sheegayaa in madaxweynaha sidda ugu dhaqsiyaha badan xilkaas ugu magacaabi doono Cumar C/raashiid Cali Shirma’arke oo hadda ah safiirka Soomaaliya ee dalka Mareykanka.

Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke oo dowladdii KMG ahayd ka soo noqday ra’iisul wasaare ayaa saxaafadda baahisay in uu ka mid yahaySharma'arke dadka sida dhow loogu saadaalinayo ra’iisul wasaaraha tagi doona xafiiska Cabdiweli uu baneeyay.

Sidoo kale,warbaahinta wararka ay baahisay waxaa lugu sheegay in Cumar Cabdirashiid uu ka soo ambabaxay dalka Mareykanka, isagoo soo gaaray magaalada Dubai, waxaana la filayaa in ugu dambeyn maanta uu soo galo magaalada Muqdisho, si xilka ra’iisul wasaare loogu magacaabo.

Saraakil ka tirsan madaxtooyada oo ay Raxanreeb la xiriirtay waxaa ay sheegeen inuu madaxweynaha xilka ra’iisul wasaaraha uusan ilaa hada shakhsi gooni ah u dooran xilkaas balse waxaa jira 4 qofood oo lagu muransan yahay oo u badan tahay in midkood uu qabto xilkaas.

Hiiraan Net.

 

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!