Cumar C/rashiid oo gaaray magaalada Muqdisho iyo ammniga oo aad loo adkeeyay

by admin | Tuesday, Dec 16, 2014

Muqdisho : HN :– Waxaa goor dhaw oo maanta ah ka soo degay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho shaqsiga lagu waddo in loo magacaabo ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmar’arke, wali haya xilka safiirka Soomaaliya ee dalka Mareykanka.

Ammniga magaalada caasimada ah ee Muqdisho ayaa siweyn loo adkeeyay, waxaana la arkayay ciidammada dowladda oo dariiq walba taagan islamarkaana wadda baaritaanno la sheegay in nabad-galyada lagu sugayo.

Ra’iisal wasaaraha la diyaarinayo ayaa la sheegay in ay soo dhaweeyeen siyaasiyiin taageerayaashiisa u badan, waxaana la dajiyay mid kaCumar-Cabdirashiid-Cali-Sharmaarke mid ah hoteellada magaalada Muqdisho, madaama la sheegay in uu soo gallay safar aad u dheer islamarkaana uu siweyn u daallan yahay.

Cumar ayaa aabbihii C/rashiid Cali Sharma’arke ayaa ka mid ahaa ra’iisul wasaarayaashii uug horreeyay ee soo maray Soomaaliya markii ay xorriyadda qaadatay, isagoo 1967-kii noqday madaxweynihii Soomaaliya, inkastoo lagu dilay gobolka Sool sannadkii 1969-kii.

Sharma’arke ayaa ku dhashay Muqdisho sanadkii 1960-kii, wuxuuna isla Muqdisho ku qaatay waxbarashadiisii hoose illaa tiisii jaamacadeed, isagoo sannadihii 2009-kii iyo 2010-kii noqday ra’iisul wasaarihii dowladdii KMG-ka ahayd ee uu hoggaaminayay Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!