Cumar C/rashiid oo la shiray xildhibaannadii taageersanaa ra’iisal wasaarihii hore C/wali Sheekh

by admin | Tuesday, Dec 23, 2014

Muqdisho : HN :– Ra’iisal wasaaraha dhawaan la magacaabay Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ayaa la sheegay in uu kulan gaar ah la qaatay xildhibaannadii sidda weyn u taageersanaa ra’iisal wasaarihii hore C/wali Sheekh Axmed Max’ed, isaga oo ka dalbaday in ay codka kalsoonida siiyaan.

Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid ayaa xildhibaannada kala hadlay sida uu u rabo inay kalsoonida siyaan,si uu usoo dhiso xukuumad cusub oo ka badalan tii horay u shaqeynaysay.

Ra’iisul wasaaraha magacaaban ayaa sheegay inuu doonayo wada shaqeyn iyo talo dhow oo dhex marta isaga iyo xildhibaannada faderaalka Soomaaliya oo la filayo dhawaan inuu hortago.

“Waxuu noo soo bandhigay sida uu ku doonayo isbadalka,isagoo sheega inuu wada shaqeyn dhow la yeelan doonoSharma'arke xildhibaannada,”sida waxaa sheegay xildhibaan Bashiir Nuur Ibraahin oo ka mid ah xildhibaannada la shiray ra’iisul wasaarah magacaaban.

Xildhibaan Bashiir Nuur Ibraahin waxuu tilmaamay inay soo dhaweynayna Cumar Cabdirashiid codka kalsoonidana ay siin doonan haddii uu hor-yimaado baarlamaanka.

Ugu dambeyn,xildhibaanadaan uu la shiray ra’iisul wasaaraha magacaaban ee Soomaaliya ayaa ahaa kuwii sida weyn uga soo horjeeday mooshinkii lagu riday ra’iisul wasaarihii hore Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed.

Madaxweyne Xasan ayaa la filiya dhawaan inu horgeeyo baarlamaanka ra’iisul wasaaraha uu magacaabay si uu kalsooni u waydiiyo,kaddib haddii ay meel mariyaana waxaa uu guda-gali doona dhismaa xukuumad cusub oo ah mid lawada sugaya sida ay ku dhisanto.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!