Cumar C/rashiid” waa suurtagal in ay soo noqdaan qaar ka mid ah golihii wasiirrada hore

by admin | Friday, Dec 26, 2014

Muqdisho : HN :–Ra’iisal wasaaraha dowladda federaalka Soomaaliya oo maalintii shalay si rasmi ah ula wareegay xafiiska ra’iisal wasaaraha, ayaa looga fadhiyaa in uu dhawaan soo dhiso xubnaha golihiisa wasiirrada.

Isaga oo la hadllayay laanta afka Soomaalida ee VOA-da ayuu sheegay ra’iisal wasaare Cumar C/arshiid in dhismaha xukuumadiisa uu mar walba ku saleyn doono waaqiciga siyaasadeed ee dalka ka jira, isaga oo carabka ku dhuftay in ay suurtagal tahay soo laabashada xubnihii gollaha wasiirrada hore qaarkood.

“Waqti yar ayaa haray wasiiradii hore waxaa laga yaabaa qaar inay soo noqdaan, qaarna kale oo cusub inay yimaadaanSharma'arke, mar kasta wixii imaanaya waxay ku saleysnaanayaan waaqiga siyaasadeed ee dalka ka jira, wada tashiyada waa ku jirnaa wax udiidaya inay soo noqdaan ma jireyso Wasiiradii hore, koley waxay ku xirnaan doonaan habka wada tashiyada u dhaco”ayuu yiri Cumar Cabdirashiid.

Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid ayaa sidoo kale sheegay in boqolka maalmood ee ugu soo hareeya ay Xukuumadiisa ay wax ka qaban doonto arrimaha ammaanka iyo in sanadka 2016 ay gaarsiiso doorasho, waxaana uu tilmaamay in meesha uu ka saarayo xasilooni darida siyaasadeed ee dalka cagaha uu la galay.

Hadalka ka soo yeeray ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid ayaa ku soo beegmaya xili hadal heynta ugu badan aheyd in madaxweyne Xassan Sheekh ku qasban yahay in uu xukuumada cusub ku soo darro xubno ka tirsan gollihii wasiirrada la saftay waqtigii ay hayeen ra’iisal wasaare Cabdiwali iyo saaxiibadiisa gaarka ah sidda wasiir Faarax C/qaadir iyo C/kariin Xusseen Guulleed oo markan siweyn loo hadal hayo in uu ka mid noqon doono xubnaha gollaha wasiirrada cusub.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!