Cumar C/rashiid”anniga madaweynaha wadda shaqeyn buuxda ayaa na dhaxmari doonta

by admin | Thursday, Dec 18, 2014

Muqdisho : HN :– Ra’iisal wasaaraha cusub ee Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke oo maalintii shalay lagu dhawaaqay ayaa hadal uu ka jeediyay munaasabadii lagu magacaabay waxaa uu sheegay in mudada waqtiga dowladda ka dhiman isaga iyo madaxweynaha si buuxda u wadda shaqeyn doonaan.

“Waxaa balan qaadayaa Madaxweynaha iyo aniga inaan ku wada shaqeyno si muwaafaqo iyo wada tashi ku dheehan, kalsoonida umadana kor u qaado, amniga wadankana aan gaarsiino meel umada soomaaliyeed ku riyaaqdo”ayuu yiri Cumar Cabdirashiid.

Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid oo sii hadlayay ayaa yiri “Sida ugu dhakhsiyaha badan ayaa Xukuumad ku soo dhisi doonaa, anigoo laCumarcaloo tashanaya Madaxweynaha, Gudoomiyaha Baarlamaanka, kuxigeenada, xildhibaanada, Umada Soomaaliyeed iyo gobolada si loo helo dowlad dadka iyo dalka u shaqeysa, waqtigana waa yar yahay”

Mr Cumar Cabdirashiid ayaa ka codsaday Baarlamaanka inuu ka gacan ka siiyo si ay howsha ugu fududaato, isla markaana uu dib barnaamijkiisa dowladda uu ka soo bandhigi doono sida uu yiri.

Dad badan ayaa aaminsan in ay adag tahay ka badbaadista khilaaf mar kale soo noqdan madaama uusan jirin dastuur kala qeexaya awoodaha labada mas’uul, inkastoo haddana la oran karo arrimuhu waxaa ay ku xirran yihiin mar walba sidda ay u dhaqmaan madaxwyenaha iyo ra’iisal wasaaraha marka uu soo ifbaxo khilaaf dhinaca siyaasada ama fikirka ah.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!