C/wali Gaas” barnaamijyada hormarineed ma’aha oo kaliya in ay ku ekaadaan Muqdisho

by admin | Tuesday, Jan 27, 2015

Garoowe : HN :– Madaxwaynaha Puntland Mudane C/wali Max’ed Cali Gaas oo ka duulaya barnaamijyada hormarineed ee laga wado dalka soomaaliya wuxuu carabka ku adkeeyey in soomaaliya aysan u baahnayn maanta in hal meel lagu qabto dhamaan shirarka ay beesha caalamka iyo deeqbixiyeyaashu ugu talagaleen in ay wax ugu qabtaan Umada Soomaaliyeed isagoo soo hadal qaaday Magaalada Muqdisho shirarka ka dhaca mar uu ha hadlayay Shirka New deal ee Maanta ka furmay Magaalada Garoowe..

” Mararka qaar waxaa moodaa barnaamijyadan in ay ka dhacaan magaalada Muqdisho oo xamar ayuu sal dhig u yahay waxaan rabnaa640x427xIMG_23501.jpg.pagespeed.ic.8zmejqYJtC Barnaamijku inuu balaaran yahay oo Macluumaadka laysla qaybsado oo Soomaali meeshay joogaanba ay la socdaan waxa dhacaya laakiin ma ahan macluumaadku in uu noqdo mid meel ku kooban hadii taasi la sameeyo waxaa dhacaya is faham is aaminaad iyo hormar uu gaaro dalkeena,sidaana waxaa yiri madaxwayne Gaas.

hadalkan ayaa imaanaya iyadooDad badan ay isla dhexmarayaan DFS ay inta badan Shirarka u weeciso magaalada Muqdisho iyadoo ay jiraan magaalooyin soo hana qaaday oo xaga amniga iyo isku halaynta marka la eegana kaga mudan Xamar waana mida keentay in Madaxda Puntland iyo maamul goboleedyada kale ee Soomaliya ka jira in ay ku celceliyaan in la helayo Magaalooyin lasoo if baxay Nabadgelyo iyo Bilic mudanna in lagu qabsado shirarka wax ku oolka ah ee danta ugu jirto umada soomaaliyeed .

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!