C/wali Gaas” hiishiiska Puntland iyo dowladda dhexe waxaa ka soo horjeeda dad dano….

by admin | Saturday, Oct 25, 2014

London : HN :– Madaxweynaha maamul gobolleedka Punland C/wali Max’ed Cali Gaas ayaa ka jawaabay  eedeymaha loo jeedinayo hishiiska dhaxmaray dowladda dhexe iyo Punland.

Madaxweyne Gaas ayaa sheegay in dadka ka biyo diidsan heshiiskaasi ay yihiin kuwa leh ujeedo gaar ah, balse aan loo baahneyn in dadkaasi ay dhibaato ka dhex abuuraan bulsho deegaan wada dagta.

“Waa  dad dano shaqsiyaad leh dadka ka soo horjeeda waayo waxuu ahaa mid isku soo dhaweynaya labada dhinac,waana dad dhibaato doonaya,”ayuu yiri madaxweyne Gaas oo caddeeyay inay dadaal ugu jiran soo laabadashada dowlad xoogan oo ay Soomaaliya hesho.

Madaxweynuhu waxaa uu tilmaamay in Puntland iyo dadka deriska la’ah maslaxadooda ay ku jirto inay si nabadgelyo ah kuwadaGagas noolaadaan.

Waxuu sheegay madaxweynaha dowladda Puntland isagoo ka hadlayay dhismaha maamulka gobollada dhexe in magaalada Gaalkacyo waqooyigeeda ay tahay Puntland,halka uu sheegay koonfurta inay racsan-tahay Galmudug ayna taageeri doonan dadka dhismana maamulka.

Wixii ka dambeeyay markii Puntland iyo dowladda Soomaaliya ay kala saxiixdeen heshiiskii Garoowe ka dhacay, waxaa soo baxayay diidmo laga muujinaayay qodobadda ay ku heshiiyen labada dhinac.

Dastuurka dalka u yaalla ayaa waxaa ku qoran in maamul-gobolleed ay sameysan karaan labo gobol iyo wixii ka badan, balse dastuurka kuma qorno in gobol iyo bar loo sameeyo maamul gobolleed.

Hiiraan net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!