C/wali Gaas” masiirka Soomaaliya kama wadda hadlli karaan DF iyo Somaliland oo kaliya

by admin | Tuesday, Dec 23, 2014

Garoowe : HN :– Madaxweynaha maamul gobolleedka Puntland C/wali Sheekh Axmed Max’ed. ayaa sheegay in ay siweyn uga xun yihiin qodobada qaar ee ka soo baxay hishiiskii dhawaan madaxda dowladda federaalka iyo Soomaaliland ay ku gaareen dalka Jabuuti.

Gaar ahaan madaxweyne C/wali Gaas waxaa uu farta ku fiiqay sidda looga wadda hadlay arrinta ku saabsan maamulida hawadda Soomaaliya oo sidda uu sheegay ah arrin aysan ka wadda hadli karin oo kaliya dowladda federaalka iyo Soomaaliland, laakiin ay qasab tahay in Puntland qeyb ka noqoto wadda hadlkaas oo kale.

”Qodobkaas horta Puntland hadaan nahay dacwaan ka qabnaa runtii sababtu waxa weeye barnaamijkan hawada anigaGaassbos ayaa bilaabay markaan ahaa wasiirka qorsheynta 2010 bilowgeedii 2011 bishii May ayaa wasiiradu isugu tageen anoo dawlada federaalka matalaya Nairobi ”ayuu yiri

Sidoo kale,waxaa uu tilmaamay in uu la yaabanyahay in heshiiska labada dhinac ay qeyb ka ahayd Puntland balse ay isku koobeen Dawlada federaalka ah iyo maamulka Somaliland taasina ay tahay mid ay dacwad ka qabaan.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr Cabdiweli Max’ed Cali Gaas ayaa sheegay in marka laga hadlaayo masiirka Ummada Soomaaliyeed aysan isku koobi karin dawlada federaalka iyo Somaliland balse ay tahay in Puntland qeyb ka noqoto.

Hiiraan Net.

 

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!