C/wali Gaas oo la kulmay ra’iisal wasaaraha dalka Itoobiya

by admin | Friday, Apr 17, 2015

Addis Ababa : HN :–Madaxweynaha Puntland C/weli Maxmed Cali Gaas oo shalay galinkii danbe gaaray magaalada Addis Ababa ayaa la kulmay ra’iisul-wasaaraha Itoobiya Haila-mariam Desaliegn iyo xubno ka tirsan wasaarada arimaha dibadda Itoobiya.

Waxaa madaxweynaha shirkan ku wehliyay xubno ka tirsan golaha wasiirrada Puntland, waxaana lagu wadaa in ay Itoobiya kaga qayb-galaan shirka Tana Forum oo ay soo xaadiri doonaan madax ka socota dalalka Afrika.

“Shirkan ayaa nalagu casuumay ,waxaana ku raja weynnahay in looga hadlo arimo muhiim ah oo la xiriira qaaraddan “ ayuu yiri madaxweyne Gaas markii uu gaaray Addis Ababa, waxaana shirkan oo socon doona laba maalin lagu qaban doonaa magaalada Bahari Dar.

Illaa hadda lama shaacin waxyaabaha sida rasmiga ah ay uga wada hadleen madaxweynaha Puntland iyo raysal –wasaaraha ItoobiyaAddis_Ababa_Itoobiya_Kulan ,waxaana ka hor intii wafdiga Puntland aysan ka dhoofin Garowe ay sheegeen in madaxda Itoobiya ay kala hadli doonaan arimo la xiriira ganacsiga iyo amniga.

Sanadkan waxaa looga hadli doonaa shirka sidii looga sooci lahaa diimaha iyo maamulada, iyadoo si gaar ah loogu falan-qayn doono in dadka haysta diimaha iyo dhaqamada kala duwan ay u sinnaadaan sharciyada caalamiga ah .

Ugu dambeyn, war kasoo baxay madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in marka uu shirku soo dhamaado uu madaxweynaha Puntland si gaar ah ula kulmi doono jaaliyadda reer Puntland ee Itoobiya ku nool.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!