C/wali Gaas” Xuduuda Puntland waa Godinlabe iyo Guri-ceel

by admin | Wednesday, Jul 1, 2015

Garoowe : HN :– Iyadoo aad moodo in airweyy sii adkaaneyso xiisada siyaasadeed ee u dhaxeysa dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamul gobolleedka Puntland, taasoo salka ku heysa shirweynaha ka soconaya magaalada Cadaado ee la doonayo in dhawaan lagu doortay madaxweynaha maamulka Galmudug ee gobollada dhexe.Cabdi-Weli-Gaas

Madaxweynaha maamulka Puntland C/wali Gaas, ayaa sheegay in mas’uuliyad darrada shirka Cadaado iyo cawaaqibka ka dhalan doona ugu danbeyntii qaadi doonto dowladda federaalka Soomaaliya, waxaana uu siweyn uga soo horjeestay sidda lagu qoray dastuurka maamulka Galmudug  in xuduuda maamulka Galmudug noqon doonto Nuugaal.\

“Waxaa ka soo yeereysay xuduudeena waa Nugaal, sida ay ku qorteen dastuur ku sheegooda, waxaa hubaal ah marka ay runta tagto in xuduuda aysan Nugaal noqon doonin ee ay Xuduuda tahay Godinlabe iyo Guriceel”ayuu yiri C/wali Gaas.

Madaxweyne Gaas oo sii hadlayay ayaa yiri “Puntland nabadeeda iyo horumarkeeda midna gorgortan kala gelimayso maamul gacan ku rimis ah oo dowladda federaalka dabada ka riixayso, waana ku kalsoonahay in qof kasta oo Puntland ah uu nabad ku seexdo, kana daali mayno raadinta Soomaali midaysan”

Maamulka Puntland ayaa dhowaan qaadacay shirka cadaado, waxaana ay ka digeen in colaad uu horseedo maamulka lagu dhisayo Cadaado ee loogu magac daray Galmudug, iyadoo Puntland ku doodeyso in Maamulkaas uu noqdo Koofurta Mudug iyo Galgaduud.

Hiiraan Net.

 

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!