Daacadi Ma Hungowdo, W/Q: Naciima Axmed Colaad Digaale “Qorane”

by admin | Thursday, Apr 14, 2016

Hubanti lafdhabarta nolosha aadamuhu waa daacadnimo. Haddii aan dhan kale ka eego, dhidibbada nolosha aadamiga haya waxaa kaalinta ugu horreeya kaga jira: daacadnimada. Jiritaankeeda ama jiritaan la’aanteeda waa minqiyaas weyn oo lagu ogaado ummad iyo mustaqbalkeeda sida uu u ekaan doono. Sida la wada ogsoon yahay, bulshooyinka horumaray waxa horumarkooda sal u ah daacadnimo weynaatay, oo ah awood akhlaaqi ah oo samaan iyo deganaansho badan keenta. Sidaa awgeed shacab walba hadba heerkooda daacadnimo intuu le’eg yahay ayuu horumarku u jiraa. Sababta ay qaaradda Afrika qaaradaha kale uga dibudhacsan tahay waa daacadnimo la’aan. Bal waa sabab ka mid ah sababihii Soomaaliya burburiyay, maantana dadkeedii qaaradaha dunida ku firdhiyay, iyaga oo qaxootinnimo badankeed ku wada nool!

Daacadnimadu waa waxa qofka u saamaxa inuu ku noolaado nolol xalaal ah oo xasilloon. Waa waxa qofka u suurageliya inuu ku noolaado nolol bilaa godob iyo giriif ah. Daacadnimadu waxay ka soo bilaabantaa qof. Dabadeed waxay u gudubtaa qoys. Waxay uga sii dhaqaaqdaa bulsho. Ugu dambaynna waxay ku nasataa oo saldhigataa qaran. Qof aan daacad ahayn ma dhiso qoys daacad ah. Qoyskaasina ma dhiso bulsho daacad ah. Bulshadaasina ma dhisto qaran daacad ah.

Haddii aan sii faahfaahiyo, qof aan daacad ahayni ma dhiso qoys daacad ah oo nadiif ah.  Qoys aan daacadnimo lagu dhisinna ma soo saaro midho nadiifa oo Ilaahay iyo ummadiisaba raalli geliya. Midho aan nadiif ahayna ma noqdaan bulsho quluubta ka nool oo isku daacad ah. Bulsho aan qalbiyo daacadnimo biyo dhigtay lahaynina ma soo saarto qaran is jecel oo isku duuban, isla markaasna walaaltinnimo iyo wax wada qaybsi ka dhexeeyo. Ummad aan daacadnimo ku hanaqaadina qayrkood ma raacaan. Ummadaha dullaysani waa kuwa ay biyo dhigtay daacad darrada iyo wax isku quudhi waaga, had iyo jeerna kooda wax haysta ama meel sare gaadhay la soo hadha, kuwaasoo aakhirka gumaysi iyo gacan ku hayn shisheeye ku dambeeya.

Aan soo qaato qiso dhacday waayo hore oo ka turjamaysa qiimaha daacadnimada. Ama si kale aan u dhaho e xumaanta khaa’innimada

Wiil dhallinyaro ah ayaa wuxuu damcay in uu magaalada hawl ka soo qabsado. Wiilkii intuu qalabkii heensaha u dhammeeyay ayuu kaxaystay faraskiisii. Intuu jidka sii socday ayaa wuxuu la kulmay inan naafo ah oo jidka dhinaciisa taagan. Ninkii naafada ahaa ayaa la hadlay wiilkii yaraa, wuxuuna ku yidhi: “Adeero waxaan ahay nin lixaadla’, magaaladana waan u baahanahay inaan tago e, adeero ii oggolow inaan faraskaaga raaco.” Wiilkii aad ayuu u naxariis badnaa; sidaa daraaddeed, wuxuu odaygii u oggolaaday in uu raaco.

Ninkii naafada ahaa wuxuu wiilkii la fuulay faraskii. Markay magaaladii gaadheen ayuu wiilkii ku yidhi odaygii: “Adeero anigu halkan ayaan ku ekahay, magaaladiina waan ku keenay e, fadlan iiga deg faraska.” Odaygii oo wejigiisa isbeddel weyni ka muuqdo ayaa wiilkii ku yidhi: “Yaa degaya?!” “Adigu saw magaalada maad doonayn?!” ayuu ugu jawaabay wiilkii. “Magaalo doonistayda qofna kuuma dirsane, faraska iiga deg anigaa lehe,” ayuu odaygii wiilkii ku yidhi.

Wiilkii oo yaab ilaahay u keenay ayaa ku yidhi odaygii: “Ma samafalkii ayaa kaaga daray?!”Halkii ayay wiilkii iyo ninkii uu faraska soo saaray ku doodeen oo is qabsadeen. Labadii nin intay faraski ka soo degeen ayuu midba midka kale is yidhi kaga horee qabsashada xakamaha. Iyaga oo faraska xakamihiisii isku haysta ayaa dad badani ku soo urureen meeshii ay labada nin ku murmayeen. Buuqii iyo murankii markii uu xadka ka baxay ayaa labadii nin loo kaxeeyay saldhigga booliska.

Markii dacwaddii labada nin la dhegaystay, ee waxba laga qaban kari waayay, midkastaana uu ku adkaystay in uu faraska isagu leeyahay, ayaa labadii nin loo geeyay qaadi. Qaadigii ayaa warraystay marka hore wiilkii. Wiilkii wuxuu ku yidhi qaadigii: “Qaadiyow, ninkan anigoo u naxariisanaya ayaan jidka ka soo qaaday. Markaan magaaladii nimidna faraskaygii ayuu igu qabsaday gardarradiisa!” Odaygii baa isna soo booday oo yidhi: “Waa beentii qaadi. Wuxuu wiilku rabaa in uu faraskayga iga qaado oo wuxuu arkayaa inaan laxaad la’ ahay (naafo) ahay, ee qaadiyoow faraska wiilka iiga qaad fadlan.”

Qaadigii baa ku wareeray labadii nin! Qaadigii oo yaabban oo wuxuu sameeyo garan la’ ayaa nin kaaliyihiisa ahaa wuxuu ku yidhi qaadigii: “Qaadiyow, ii oggolow inaan arrinta soo dhex galo, oo aan labada nin kala saaro.” Qaadigiina wuu u oggolaaday; dacwaddii labada ninna wuxuu ku wareejiyay kaaliyihiisii.

Kaaliyihii markiiba iyada oo aan la filayn ayuu intuu go’ soo qaaday faraskii indhaha kaga xidhay. Wuxuu ku yidhi ninkii naafada ahaa iyo wiilkii: “Farasku il buu la’ yahaye, tee buu la’ yahay: ma midig mise bidix?”Odaygii intuu cabbaar yara fikiray oo maskaxda rogrogay ayuu la soo booday: “Isha midigta ah ayuu la’ yahay farasku.” Kaaliyihii baa ku celiyay oo ku yidhi: ”Ma hubtaa inuu isha midigta la’ yahay faraskaagu?” Odaygii intuu hadalkii ku dhegay ayuu haddana la soo booday: “Maya, waa isha bidixda tuu la’ yahay.” Kaaliyihii haddana wuxuu ku jeestay wiilkii yaraa oo wuxuu weyddiiyay isla su’aashii: “Farasku il buu la’yahaye waa ishee?” Wiilkii intuu eegay ninkii kaaliyaha ahaa ayuu ku yidhi: “Aniga faraskaygu ilna ma la’a ee labadiisa indhoodba wax buu ku arkaa.”

Kaaliyihii intuu dhoollacaddeeyay ayuu ku jeestay odaygii naafada ahaa. Faraskii inta uu marada ka qaaday ayuu ku yidhi: “Faraska adigu ma lihide wiilka ayaa iska leh.” Ka dibna kaaliyihii wuxuu ku yidhi qaadigii: “Qaadi, ninkan weyn ee naafada ah waa nin khaa’in ah, ee tallaabo sharci ah ha laga qaado.”

Qaadigii wuxuu amray in la xidho odaygii khaa’inka ahaa, wiilkiina la siiyo faraskiisa. Odaygii halkaa ayuu faraskiina ku waayay, xorriyaddiisiina ku waayay oo la xidhay. Maalintaa laga bilaabana khaa’imiintii magaaladu cashar ayay ku qaateen oo waxay ka baqeeen in iyagana la xidho. Maahmaah soomaaliyeed baa tidhaahda: “Booraan hadimo ha qodin, haddaad qoddana ha dheerayn, ku dhici doontaana mooyee.” Taas oo macnaheedu yahay isku dayga aad isku daydo inaad qof hadimayso, ama  haddii aan si kale u idhaahdo inaad qof walaalkaaya dhibaatayso, hubaal waxa la arkaa inay kula go’do oo aad adigu dabinkaad u dhigtay ku dhacdo. Mid ka mid ah xaqiiqooyinka nolosha ayaa ah qofka daacad yahanka ah in uu khasaarin, ee uu guulaysato. Waa na halka ay ka timid maahmaahda Soomaaliyeed ee ah: “Daacadi ma hungowdo.”

Guntii iyo gebagebadii, akhirste saddex midkood waa inaad isku daydaa inaad ahaato.

1-Noqo qof daacad ah oo dadka u ixsaan fala isla markaasna lagaga daydo daacadnimada. Haddaan isku dayo inaan inyar is dul taago macnaha dhabta ah ee daacadnimada, daacadnimadu maaha inaad daacad u noqoto naftaada, ubadkaaga, waalidkaa, xaaskaaga, ehelkaaga, qabiilkaaga iyo wixii soo raaca ee aad dano iyo lexejeclo gaara ka leedahay; daacadnimadu waa inaad ummadda ilaahay oo dhan daacad u noqotaa iyo weliba ciiddaada hooyo.

2-Haddii aanad daacad noqon karin oo qalbigaaga dadka u nadiifin karin, noqo mid dadka kale ku dhiirri geliya inay dadku daacad isku noqdaan, isu soo dhawaanshona dhexdooda ka abuura.

3-Labadaas sare haddii aanad midkoodna noqon karin, ugu yaraan adigu dadka dhexdooda xasadka, damaaciga, diradiraalanimada iyo kalagaynta ha ku faafin e, afkaaga iyo addinkaagaba ha laga ammaan helo.  Cudurradaada la keliyow.

Dhammaad

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!