Daawo Sawirada isdhaxgalka bulshada iyo ciidammada ku dagaallamay Gaalkacyo

by wadani | Wednesday, Dec 7, 2016

Gaalkacyo : HN :-Shacabka reer Gaalkacyo ayaa ku Idha qaaday arin lagu farxo kaddib markii labada maamul Galmudug iyo Puntland qaadeen tallaabo muhiim u ah nabada magaalada Gaalkacyo, islamarkaana rajo galin karta bulshada ka barakacday magaalada, kaddib markii guddoomiyayaasha gobolka ee labada maamul, guddiga dhax-dhaxaadinta waxgarad iyo ciidammadii is hor fadhiyay is wadda gacan qaadeen.

16-1Tallaabadan ayaa ka danbeysan kaddib markii guddoomiyayaasha labada maamul ee gobolka Mudug bilaabeen in ay xafiisyada is dhaafsadaan, uu guddoomiye walba ku shaqeeyo xafiiska guddoomiyaha kale ee dhigiisa ah.

Waxaa taa ku xigan oo dhincooda is dhaxgalka qeyb ka ahaa ciidammada labada dhinac oo la arkayay iyaga oo wadda jir sawirro isaga qaadaya goobihii ay ku dagaallameen, taasoo rajo weyn galisay xitaa guddigii dhax dhaxaadinta labada dhinac.20

Magaalada Gaalkacyo oo ah magaalo ay dagaalo ka soo daashay ayeey hadda dadkeedu u baahan yihiin nabad waarta, waxaana arintan rajo weyn ku abuuri kartaa bulshada labada dhinac ee magaalada oo markii hore shaki kala qabay.

14-2

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!