Dab ka kacay suuqa ganacsiga Black Sea ee magaalad Muqdisho

by admin | Monday, Feb 23, 2015

Gubasho-300x225Muqdisho : HN :–Dab ayaa lagu soo warramayaa inuu goordhow ka kacay xarun ganacsi oo lagu iibiyo shidaalka oo ku taalla isgoyska Black Sea ee degmada Hodan ee magaalada Muqdisho.

Dad goobjoogeyaal ah ayaa warbaahinta u sheegay in dabka oo khasare maaliyadeed geystay uu ka billowday meel shaaha lagu iibiyo oo u dhow goobta shidaalka.

Dabka wali wuu holcayaa, wuxuu ku sii fiday goobo hor leh oo shidaalka lagu iibiyo, fuustooyinka shidaalkana waxay sameynayaan qaraxyo sida ay tilmaamayaan goobjoogeyaasha.

Ilaa iyo iminka lama hubo inta uu gaarsiisan yahay khasaaraha ka dhashay dabka, hasse ahaatee waxaa la soo sheegayaa in dabku yahay mid aad u xoogan oo saameyay goobo ganacsi.

Masuuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Banaadir oo kaashanaya dadka suuqa ayaa dadaal ugu jiro daminta dabka, si loo badbaadiyo hantida kale ee taalla xarumaha ganacsi ee ka agdhow goobta.

Hiiraan Net.a

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!