Dab ka kacay suuqa shidaalka magaalada Jowhar ee gobolka Sh/dhexe

by admin | Friday, Feb 6, 2015

Jowhar : HN :–Waxaa dadal dheer oo loo gallay kaddib lagu guuleystay in la damiyo dab ka kacay suuqa shidaalka degmada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha dhexe.

Dabka oo qaatay ugu yaraan saddex saacadood ayaa ka bilaawday konteerada shidaalka ee suuqa shidaalka magaalada Jowhar.

Inkastoo aan si dhab ah loo ogeyn sababta dabkan uu kacay ayaa hase ahaatee waxa ay wararku sheegayaan in dabkan uu ka dhashay kadib markii ay qaraxday fuusto dhex tiil konteerada shidaalka lagu iibiyo.

Baabuur dabdamis ah oo maamulka gobolka Shabeellaha dhexe dhowaan ka helay maamulka gobolka Banaadir ayaa suurtogeliyay in ladab-jwhr-71 hakiyo dabkan ka kacay suuqa shidaalka magaalada Jowhar.

Qasaaraha dabka ka dhashay ayaa aad uga yaraa qasaarihii ka dhashay dabka kacay horaantii bishii Oktoobar ee sanadkii hore.

Dabkii ka kacay suuqa shidaalka ee magaalada Jowhar oo ay goobjoog ka ahaayeen guddoomiyaha degmada Jowhar Maxamed Cali Muudey iyo guddoomiyaha gobolka Sh/dhexe Cali Guudlaawe Xuseen waxana hadal gaaban oo uu halkaa ka jeediyay guddoomiyaha gobolka waxa uu ugu baaqay shacabka in ay dadaal xoogan u galaan sidii loogaga hortagi lahaa dabka.

Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!