Dabley dad la socday Bas ku laayay gobolka W/bari ee dalka Kenya

by admin | Saturday, Nov 22, 2014

Kenya : HN :– Wararka naga soo gaaraya gobolka W/bari ee dalka Kenya ayaa sheegaya in rag hubeysan dilleen dhamaanba dadkii rayid ahaa ee la socday Bas sidda la sheegay ay qafaasheen dableyda.

Baska oo la sheegay in uu ka tagay magaalada Mandhera ee dalka Kenya, ayaa ku sii jeeday magaalada Nairobi, waxaana wararku sheegayaan in ragga hubeysan baska la leexiyeen wadda dhamaanna wadda toogteen dadkii la socday.

Hay’adda Laan-qeyrta Cas ee dalka Kenya ayaa sheegtay in laga cabsi qabo ilaa 28 qof inay dhinteen oo la dilay inkastoo aysan waliMandheera1 dowladda Kenya xaqiijin tirada dadka dhintay ee rasmiga ah.

Ilaa iyo hadda ma jirto cid sheeagatay mas’uuliyada weerarkan, iyadoo wararka ku saabsan weerarka lagu qaaday Baskan uu yahay mid isa soo tarayo.

Al-Shabaab ayaa horay u sheegatay weeraro ka dhacay gudaha dalka Kenya, waxaana u dambeeyay weerar dad badan ku dhinteen oo bishii June ka dhacay Gobolka xeebta ah ee Kenya.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!