Dad cudurka shuban biyaadka ugu geeriyooday degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan

by wadani | Saturday, Dec 17, 2016

Jalalaqsi : HN :-Wararka ka  naga soo gaaraya degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in 24-kii Saac ee la soo dhaafay ay xauunka shuban biyoodka ugu dhinteen ugu yaraan 10 ruux oo carruur u badan.

Carruurta ayaa la sheegay in maalmihii  ugu dambeeyay uu soo ritay Xanuunka,waxaana hadda la xaqiijiyay in illaa 9 Qof ay Xanuunka u dhinteen.

Maamulka degmadaa Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in carruur ka badan 50 ay hadda xanuunka shuban biyoodka la il-daran yihiin.

Gobolada Hiiraan iyo Shabellaha dhexe oo uu maro wabiga Shababelle ayaa laga soo sheegayaa inuu Fara ba’an ku hayo Dadka ku nool Xanuunka Shuban biyoodka.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!